Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadda Laami ah oo dhaxmarta Degmada Kaxda, iyada oo dhagax dhigan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Waddadan uu dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Madaale ayaa halbowla u ah isku socodka degmada Kaxda, waxaana jidkaan Laamiga ah lagu dhisi doona masharuuca Dalkaaga ku dhiso Hal dollar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan talaabooyinka wax ku’oolka ah ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda, si magaalada ay ula tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.

Maayarka Muqdisho Madaale ayaa muddooyinkii dambe dhagax dhigay qaar ka mid ah Waddooyinka Caasimadda kuwaas oo burbur ku yimid, waxa uu maalinimadii shalay dhagax dhigay dhismaha Wadada Laamiga ee hor-marta Masjidka Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodon.

 

Share.

Leave A Reply