Labo Qarax oo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka dhacay iyo khasaare ka dhashay.

Qaraxyadan oo ahaa Labo Qarax ayaa waxaa fuliyay labo ruux oo naftood haligayaal ah oo waday labo gaari oo nuucooda lagu sheegay Saarif oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay.

Mid kamid ah Qaraxyadaasi ayaa ka dhacay afaafka hore ee Guryahii aay deganaayeen markii howlaha shaqo degmada Maxaas u joogeen madaxa dowladda oo markii uu qaraxa dhacayay aay ku sugnaayeen ciidan.

Qarax labaad ayaa ka dhacay xaafado shacab deganaayeen oo xaruumahaasi ka ag dhow.

Dad shacab iyo ciidan isu jira ayaa qaraxyadaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray mana jirto weli tira koob sax ah oo khasaaraha Rasmiga ah laga haayo.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray waxaa kamid ah Wariye Khaalid Ilkacase oo kamid ah Wariyayaasha warbaahinta Qaranka.

Dad badan oo dhaawac ah ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee degmada Maxaas sida Dhaqaariirta Cisbitaalka warbaahinta u sheegeen.

Labadaasi gaari ee qaraxyada lagu fuliyay ayaa Maxaas kasoo galay wadada dhanka Wabxo ka timaada sida dadka deegaanka warbaahinta u xaqiijiyeen.

Qaraxyada oo dhacay xilli Aroor hore iyo ciidanka amniga oo fashiliyay markii aay arkeen Qaraxyadaasi ayaa yareeyay baaxadda khasaaraha Qaraxyadaasi.