40; kun oo Arday oo maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ee Somaliland

156

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee sanad Dugsiyeedka 2021-2022 oo ay u fadhiisteen ku dhawaad 40,000 (Afartan kun oo Arday) sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Barta Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi uu Ardayda u rajeynayo in ay gudbaan isaga oo alle ugu baryay in uu u fududeeyo Imtixaanka.

Ardayda waxa uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan dedaalkooda si ay u tijaabiyaan tacliintii ay barteen oo lagu imtixaannayo si Ardaygii gudba uu usii wato Waxbarashada heerarka kala duwan sida hadalka loo dhigay.

“Waxa aan dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dhammaan Ardayda maanta Imtixaanka ku galeysa Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, Ardayda oo kala ah fasallada 8aad Dugsiga Hoose iyo 12aad oo Dugsiga Sare ah waxa aan alle ugu barayaa in uu u fududeeyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen Waalidiintoodu“ ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay in Ardayda kasoo gudubta Imtixaanka ay heli doonaan Fursado ay kusii kordhisan karaan aqoontooda, isla markaana ay ku gacansiineyso sida ay hadalka u dhigtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here