Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in ka badan 160 gaadiidka dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Garoowe in saaka u ruqaansadeen jiidda Gobolka Sool.
Dhinaca kale ciidamo fara badan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda ka soo baxaan dhinaca Gobolka Mudug.
Ciidamadan ayaa la sheegay iney abaabushay Puntland islamarkaana ujeedada ay ku taageereyso shacabka Laascaanood.
Xaaladda Gobolka Sool ayaa isu rogtay dagaal buuxa oo furimaha horleh saamayn doonta kadib markii Somaliland ay burisay xabad joojintii lawada galay.