Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh iyo RW Giorgia Meloni? (Sawirro)
    Dibadda

    Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh iyo RW Giorgia Meloni? (Sawirro)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 9, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulammo la qaadanaya madaxda ugu sarreysa dalka Talyaaniga ayaa soodhaweyn heerkeedu sarreeyo loogu sameeyay qasriga Chigi Palace ee magaalada Roma, halkaas oo kulan miro-dhal ah uu kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.

    Xassan Shiikh iyo Giorgia Meloni ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dalalka Caalamka.

    Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madaxda Talyaaniga ayaa Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni kala hadlay kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.

    Giorgia Meloni ayaa bogaadisay howlgalka dowlada Somalia ay dalka kaga xoreyneyso Al-shabaab, waxayna intaas ku dartay in dowladeeda ay kaalin mug leh ka qaadan doonto dagaalka lagula jiro argagxisada.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigay dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan.

    Xafiiska Shabakada

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMareykanka oo khubaro & eeyo tababaran u diray dhulgariirka ka dhacay Turkiga (Sawirro)
    Next Article C.C. Shakuur oo shaaciyay xog aan laga ogeyn oo ku aadan Balaayiinta Dollar eek u baxday Soomaaliya

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Somaliland oo lagu eedeeyay inay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka Laascaanood

    March 19, 2023

    Isimada dhaqanka SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii ugu…

    Shir laga yeeshay sugida Amniga Bisha Ramadaan Magaalada Garoowe

    March 22, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.