Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay baaritaan iyagoo dalbaday marqaatiyo ka dib markii meydad lagala baxay qabuuro ku yaalla gobolka waqooyi ee Limpopo.

Mid ka mid ah qaraabada dadkii halkaasi ku aasnaa oo Axaddii qabuurahaasi booqatay si ay u nadiifiso ayaa markii ugu horeysay arrintan shaaca ka qaadday.

Haweeneydan ayaa naxdin iyo anfariir la kulantay ka dib markii ay aragtay qabriga oo duleela iyo meydkii Modike Filemon Masedi oo aan qabriga ku jirin.

Dadka looga shakiyay dhacdadani ayaa soo galay xabaalaha iyagoo gooyay xayndaabkii kadibna waxa ay qodeen god ku dhegan qabriga si ay ula soo baxaan naxashka sida ay booliisku sheegeen.