Somaliland ayaa sheegtay in ay qabatay Ciidan Maxaabiis ah oo katirsan ciidanka PSF ee sida gaarka ah u tababaran ee Puntland, Argagixiso iyo dadka deegaanka oo ay haddana sii daayeen, iyagoo dhaawac ah, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Koore.
“Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday.
Somaliland ayaa maalinkii 2-aad, Laascaanood duleedkeeda kula dagaalamaysa dadka deegaanka oo diidan aragtida Gooni-goosadka ayna sheegeen in ay doonayaan in ay aayahooda ka tashadaan.
Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay sheegtay in ay gacan-bir ah kuqabanaysa dadka deegaanka oo ay Isimadda ugu yeertay Argagixiso, halka Hadal-hayeenka Xukuumaddu sheegay in dhankooda la weeraray maanta.