Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool waxaa halkaasi ka socda dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen ciidamo Soomaaliland katirsan oo kusugnaa deegaanka Tukaraq.

 

Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaa lamana saadaalin karo khasaaraha maadaama weli dagaalka uu socdo,gurmadna ay kala helayaan labada dhinac.

 

 

 

Warar ayaa sheegaya in Soomaaliland ay la kulmeyso kala jab islamarkaana sargaal caan ah oo lagu magacaabo Mahad Cambaashe kana soo jeeda Beesha degta Gobolka Sool uu ku biiray xaq udirirka SSC.

 

Sida muuqata Puntland ayaa ku biirtay dagaalka Gobolka Sool,xilli hore uu madaxweyne Siciid Deni sheegay inaysan ka aamusi doonin dhibaatada ka taagan Laascaanood.

 

Wixii kasoo kordho dagaalka ka socda Tukaraq dib kala socda insha allaah