Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda culus ayaa weli ka soconaya caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood, kadib weerar ciidanka maamulka Somaliland kusoo qaadeen magaalada aroornimadii saaka.
Dagaalka ayaa intiisa badan ka soconaya agagaarka buurta Sayidka iyo Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood. Ciidamada SSC ayaa horaantii dagaalka ku guuleystay inay dib u riixaan ciidamada maamulka Somaliland ee duulaanka kusoo qaaday deegaankooda.
Intaa kadib ciidanka Somaliland ayaa bilaabay inay madaafiicda culus ku garaacaan magaalada Laascaanood, waxaana hoobiyayaal ku fariisteen guryo ay daganaayeen dad shacab ah,taas oo keentay khasaare.
Tiro fara-badan oo dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana jiro shacab ay rasaastoodu ugu tagtay guryahooda. Wararka ayaa intaa ku daraya in saraakiil ciidan iyo askar looga dilay Somaliland dagaalka.
Isimadda dhaqanka ee SSC ayaa ugu baaqay dhallinyarada beesha inay dagaalka galaan, ayna iska difaacaan cadowga duulaanka kusoo qaaday dhulkooda, iyagoo tilmaamay in Somaliland doonayso burburinta dadkooda iyo deegaankooda.
Gurmadyo ciidan ayaa maamulka Somaliland kusoo daabulayaa Laascaanood, kuwaas oo u badan maleeshiyaad hab beeleed looga soo aruurinayo Hargeysa, Burco, Berbera iyo deegaano katirsan gobalka Sanaag