Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG
    Gudaha

    Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 5, 2023No Comments1 Min Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xil saaray dhaqangelinta heshiiskii xalay magaalada Baydhabo kuwada gaareen madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeday.

    ”Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Baydhabo.

    Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa dhankeeda si weyn usoo dhaweesay heshiiska laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa Koonfur Galbeed, waxa ay sidoo kale wasaaradda ka mahadcelisay kalsoonida loogu dhiibay dhaqangelinta heshiiska.

    ”Wasaaradda Arrimaha Guduha waxay ka mahadcelinaysaa kalsoonida dhinacyada kala duwan ay siiyeen iyo in ay isku raaceen in wasaaradda Arrrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta ay dhaqangeliso qodobada heshiiska, ayadoo wasaaradda u gudan doonta hawlaheeda si hufan oo mas’uuliyadi ku jirto” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Nuxurka heshiiskii lagu gaaray magaalada Baydhabo ayaa dhigayay in madaxweyne Laftagareen loo ogolaado in sannad dheeraad ah xilka sii hayo ,lana diyaariyo doorashada inta aan la gaarin sannadka dambe ee 2024-ka.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWareysi:- Guddoomiyaha UPD ee Qaramada Yurub Daahir Jabashe ayaa ka hadlay Xalka dalka Soomaaliya
    Next Article Wareysi:- Wararkii ugu dambeeyay Maamulka Degmada Halgan ee Gobalka Hiiraan oo Faah-Faahin ka bixiyay Dagaal lagu dilay Xubno ka tirsanaa Shabaab.

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Boqolaal Muhaajiriin la soo badbaadiyey & Mukhalas la qabtay

    March 4, 2023

    Ilaalada Xeebaha ee Talyaaniga waxay shaaciyeen inay 211 Muhaajiriin laga soo badbaadiyey meel 28 KM…

    Maxay ka dhigantahay in madaxda Shiinaha iyo Japan ay kala booqdaan Ruushka iyo Ukraine?

    March 22, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.