Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Soomaaliya iyo Sudan oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabado lacageed oo taagan (Sawirro)
    Gudaha

    Soomaaliya iyo Sudan oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin caqabado lacageed oo taagan (Sawirro)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 5, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suudaan ayaa la kulmay dhigiisa dalka Suudaan Dr. Haytham Mohamed Ibrahim.

    Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah oo qaatey saacado badan laguna gorfeeyey xoojinta xiriiraka iyo horumarinta qeybaha Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyadoona madasha ay kasoo baxeen qodobadan muhiimka ah ee hoos ku xusuan.

    1.In la xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Wasaaraddood
    2.in la xaliyo caqabadaha ka taagan lacagta lagu soo rogay Ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jirta sanadka u danbeeya ee waxbarashada Caafimaadka( Internship)
    3.in Soomaaliya laga tageero dhinacyada dhisidda iyo xoojinta qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wasaaradda
    4.In Wasaaradda Caafimaadka dalka Suudaan ay usoo dirto Soomaaliya dhaqaatiir ka fulisa qaliimada kala duwan
    5.In Soomaaliya laga taageero tababarada Shaqaalaha Caafimaadka qaybahooda kala duwan
    6.In Hey’addaha Caafimaadka dalka Suudaan ay ka qayb qaataan dhismaha iyo xoojinta Hey’adaha Caafimaadka Soomaaliya, sida dhisidda golaha sare ee taqasusiga Caafimaadka, xoojinta iyo dardar gellinta shaqada goloha Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo dhamaystirka hey’adda Qaranka ee nidaam usamaynta Dawada.

    Golaha sare ee Mihnadlayaasha Caafimaadka dalka Suudaan oo la aasaasay Sanadkii 1955 ayaa Guddoomiyahoodu aqbalay in booqasho rasmi ah uu ku iman doono Soomaaliya si golahaasi ay gacan uga geystaan tayeynta iyo howlgalinta qeybta Caafimaadka ee Soomaaliya.

    Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta iyo horumarinta Caafimaadka Dalkeena si Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u hellaan adeeg Caafimaad oo tayo sare leh isla markaana la gaarsiiyo goob kasto oo ka mid ah Dalkeena.

    Xafiiska Shabakada

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleBuundo nuuc cusub loo dhisayo oo maanta laga dhagax dhigay Muqdisho (Sawirro)
    Next Article Daawo:- Muqaal Munaasabad Dhiiragalin ah oo loo sameeeyay Arday Qur’aanka Kariimka ku baratay Magaalada Baladweyne.

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Xil Qoono Ayaa yiri Dabageed taariikh aad u fool xun, oo diiwaanka ku qormi doonta, waana ficil muujinaya qof kasta oo Xawaadle ah xata Gudoomiye amo Ku-xigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle la imaandono (qoraal Xasaasi ah!)( Wax badan ka ogoow)

    February 15, 2023

    Xil Qoono Ayaa yiri Dabageed taariikh aad u fool xun, oo diiwaanka ku qormi doonta,…

    YAA DAYACAY DHAAWACA MACAWISLEYDA IYO ASKARTA REER HIIRAAN?

    January 29, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.