Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    32 sano ka dib maanta dib loo howlgelinayo
    Dibadda

    32 sano ka dib maanta dib loo howlgelinayo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 9, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Safaaradda Soomaaliya ee London ayaa 32 sano kadib maanta bilaabeysa iney dib u howlgasho, waxaana talaabadan soo dhoweeyey Soomaalida ku nool UK.

    Dhismaha Safaaradda oo ku yaalla Winchester House Waddada Old Marylebone ayaa adeegyo muhiim ah siin doonto Soomaali boqolaal kun gaareysa oo ku nool dalka Britain.

    Waxaa maanta lagu qabanayaa magaalada London  Xafladda furitaanka safaarada oo ay ka qeyb galayaan Cabdulqaadir Axmed kheyr, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, Gabadha Modelka ah ee Soomaaliyeed Sabrina Dhowre iyo Saygeeda Jilaaga Idris Elba iyo waliba qeybaha bulshada Soomaalida ee dalkaas ku nool.

    Talaabadan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inay tahay mid lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

    Safaaradda ayaa taageero iyo kaalmooyin kala duwan u fidin doonta bulshada Soomaaliyeed, sida adeegyada qunsuliyadda, habaynta fiisaha iyo munaasabadaha dhaqanka.

    Dowladihii kala dambeeyey ee dalka soo maray 32kii sano ee la soo dhaafay ayaa isku dayey iney dib u howlgeliyaan safaarada Somalia ee UK, balse midkoodna kuma guuleysan arrintaas, hase ahaatee Madaxweyne Xassan Shiikh oo 10 bilood ka hor loo doortay muddo xileedkiisii labaad ayaa dedaal guuleystay ku bixiyey dib u howlgelinta safaarada Somalia ee UK.

    Dowladda Soomaaliya ayaa furitaanka safaaradeeda magaalada London u aragta mid ka dhigan bog cusub oo u furmay xiriirka labada dal, waxayna rajeynaysaa in ay saameyn wanaagsan ku yeelan doonto bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleJabuuti oo lagu eedeeyey iney taageero Milateri siineyso Somaliland
    Next Article Ra’isul Wasaare Xamse iyo Wasiirro tacsi u tagay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho (Sawirro)

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Akhriso:- Sababta uu u baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka

    January 7, 2023

    Akhriso:- Sababta uu u baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee…

    Madaxweyne Xasan Sheekh” Uma dulqaadan karno dhibaatada ay nagu haayaan Al-Shabaab”

    January 12, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.