Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay Mucaaradka Laftagareen (Muxuu kala hadlay)
    Gudaha

    Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay Mucaaradka Laftagareen (Muxuu kala hadlay)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 3, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta K/Galbeed.

    Waxaa uu kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed ee ka socda magaalada Baydhabo.

    Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Al-Shabaab.

    Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur galbeed ayaa la sheegay iney saluugsan yihiin qaabka uu dhexdhexadinta u wado Shiikh Aadan Madoobe oo ay aaminsan yihiin inuu janjeero Dhinaca Laftagareen oo haatan ku guda jiro muddo kordhintii uu sameystay.

    Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay ururada haweenka Degmada Baydhabo, Gobolka Baay iyo ururada bulshada rayidka.

    Ururka Haweenka iyo kuwa bulshada rayidka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaaneen dadaalka horumarineed ee bulshada iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana ay tilmaameen in lagu guuleysan doono gogosha taala magalada Baydhabo si dadka deegaanka ay u heleen nabad iyo xasilooni.

    Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa haweenka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ku amaanay in ay laf dhabar u yihiin hana-qaadka dowladnimada dalka, iyagoo haweenka Soomaaliyeed mudan yihiin in loo mahadceliyo si ay u xoojiyaan kaalintooda.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDil loo geystay Mid ka mid ah ciidanka beesha la wareegtay Laascaanood
    Next Article Dhageyso:- Canada: Ergeyga Gaarka ah ee la dagaallanka Islaam naceynka oo la kulantay cadaadis xooggan

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Koofur Afrika, Kenya, Tunisia & Nigeria oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Rabshado

    March 19, 2023

    Cabsi xooggan ayaa ka jirta waddamada Koofur Afrika, Kenya, Tunisia & Nigeria kaddib markii mucaaradka…

    Daawo:- Muqaal Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay go’aan la xiriira doorashada soo socota

    March 21, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.