Ku dhawaad 25 Milyan oo ruux oo u dhashay Dalka Nigeria ayaa wajahaya xaalad adag oo cunno la’aan ah iyada oo dhibaatada ka jirta Dalkaas ay sii kordheysay bilihii u dambeeyay sida ay sheegeen saraakiil katirsan Qaramada Midoobay.
Tiradaan Dadkaan halista cunno la’aanta heysata ee Nigeria waxa ay kamid yihiin Bulshada guud ee dalkaas ee tirakoobka lagu sameeyay 2021kii lagu sheegay in ay dhan yihiin 213.4 Milyan oo ruux.
Bilaha ugu daran ee halistu ay sii xooggeysan karto waa June illaa August 2023 haddii aanay gurmad degdeg ah loo helin waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin dadka u horseedi kara xannuuno kala duwan iyo geeri.
Dalkaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika ee Nigeria waxaa kordhay rabshadaha ka socda, Afduubka loo geysanayo Dadka iyo beegsiga shakhsiyaadka ugu muhiimsan waddankaas iyada oo ay qoysas badan ay barakaceen.
Gobollo badan oo Nigeria ah waxaa ka socda barakac xooggan oo ay sameynayaan Dad isugu jiro Beeraley iyo xoolo dhaqato si ay u helaan deegaanno ay ku heli karaan cunno, nabadgalyo & nolol wanaagsan.