Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Shirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood + Sawirro
    Gudaha

    Shirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood + Sawirro

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi uu ka furmay shirweynaha Aayo-Katalinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

    Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.

    Sidoo kale waxay ismimadu go’aamin doonaan sidii ciidanka Somaliland ay isaga bixi lahaayeen halkaasi, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday dilalkana ay kordheen.

    Waxaa sidoo kale shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.

    Arrimahan waxay ku soo aadayaan, maalmo ay xaalad adag ku jirtay Laascaanood oo rabshado ay gilgeleen, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidanka.

    Kacdoonkan oo keenay in dhaqanka ay ku laabtaan magaalada, kana baxaan ciidamada Somaliland ayaa ka dhashay dilalka qorsheysan ee loo geysto haldoorka gobolka Sool.

    Sidoo kale waxay shacabka careysan la wareegeen magaaladda oo dhan, kadib markii ciidamada deegaanka ay isku fidiyeen halkaasi.

    Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada ka soo baxda shireynahaha maanta ka furmay halkaasi.

    Dhanka kale Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada aaga Laascaanood waxayna ciidamadeeda hada ku sugan yihiin duleedka magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Somalia.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleAfhayeenka Al-Shabaab oo u hanjabay Bankiyada dalka ka howlgala
    Next Article Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Puntland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadalka DF kadib cadaadis la saaray

    March 22, 2023

    Sida laga war qabo maamulka Puntland dhawaan kama qayb galin shirkii Wadatshiga Qaran ee ka…

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.