Maxkamadda ayaa dhageysatay in Kyarikunda ay la timid cudur daar ah in waalidkeed ay sheegeen in gabadhooda aysan guursan nin ka weyn, iyadoo ula jeedday Tumwine.

Laakiin maxkamaddu waxay tiri: “Tani waa mid aan caqli gal ahayn, oo been abuur iyo khiyaamo ah. Markii ugu horreysay waxay haystay dhammaan fursada ay ku diidi karto codsiyada jacaylka aysan sidoo kale isticmaalin lacagihiisa.”

Maxkamaddu waxay aragtay in labada qof uu ka dhexeeyay xiriir jacayl, oo gaaray in guur lagu heshiiyo.

“Eedaysanuhu (Kyorikunda) waxay soo jeedisay in taariikhdu marka ay ahayd  Febraayo 2022 laga dhigo xafladda hordhaca ah ee guurkooda.”

Cudur daarka ay eedaysanuhu bixisay ayaa ahaa in aanay guursan karin nin oday ah, oo ah dacwoodaha, sidii iyada oo aan arag rag dhallinyaro ah muddadii afarta sano ahayd ee ay haasaawahaayeen,” ayuu yidhi garsooraha maxkamadda.

Source Bbc