Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Nin Carro uga maqnaa qoyskiisa oo 66-sanno kaddib ku laabtay iyo soo dhaweeyn loo sameeyay (Sawirro)
    Dibadda

    Nin Carro uga maqnaa qoyskiisa oo 66-sanno kaddib ku laabtay iyo soo dhaweeyn loo sameeyay (Sawirro)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Nin u dhashay dalka Uganda oo la waayay sannadkii 1957kii isagoo 45 jir ah ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay xubno ka haray qoyskiisa ,waxaana ninkan muddo 66-sanno la weysanaa nolol iyo geeri halka uu ku dambeeyay.

    Patrice Okubal kasoo jeeda beesha Iteso ee degta Uganda ayaa dib ula midoobay qoyskiisa talaadadii, kaddib markii uu dib ugu laabtay gurigii uu deganaa oo kuyaalla tuulada Guyaguya ee degmada Soroti oo hore loo oran jiray Katakwi.

    Odaygan qoyskiisa dib ula midoobay hadda jira 111 sanno, waxaana dad badan aad ula yaabeen in ninkan 66 sanno kaddib dib ugu soo laabtay tuuladii uu kasoo jeeday ee degan yihiin dadka beeshiisa iyo xubno katirsan qoyskiisa.

    Patrice Okubal waxaa si kal iyo laab ah loogu soo dhoweeyay dabbaaldeg laba maalmood socday oo qoyskiisa iyo dadka isku beesha yihiin u sameeyeen , waxaana soo dhaweyntiisa loo gowracay lo’ iyo ari.

    Ninkan  ayaa markii la weenayay waxaa u joogay shan carruur ah iyo xaas , hasa ahaatee waxaa hadda soo dhaweeyay labo kamid ah carruurta uu dhalay  oo hadda kala jira 70-sanno iyo 66-sanno, waxaa sidoo kale soo dhaweeyay 139- carruur ah uu awoowe u yahay.

    Okubal ayaa la rumeysan yahay inuu ka tagay gurigiisa kaddib markii la sheegay inuu hantidiisa ku waayay ciyaar khamaar ah uu dhigtay, waxaana tan iyo xilligaasi la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay.

    Awojat oo ah wiilka ugu yaraa carruurta odaygan ayaa sheegay in markii aabbihii uu lumiyay sharadka uu galay, ay saaxiibbadiis u tageen xubnaha Qabiilka Ibokora Atekok iyaga oo doonaya in la siiyo hooyadiis oo geeriyootay si ay xaq ugu yeeshaan.

    Dhacdada kaddib, Awojat waxa uu sheegay in beeshiisa oo ay weheliyaan walaalihiis ka waaweyn ay garaaceen aabbaha, kaddib markii ay hooyadood u soo bandhigeen qayb ka mid ah ciyaaraha khamaarka.

    “Waa markaas markii uu si qarsoodi ah uga dhuuntay guriga isagoo carreesana, waa la i naas nuujinayey markii uu tagayay aabahey, waxaa nala joogtay oo nasoo korisay hooyadeey  Berite Olinga oo geeriyootay 2003dii ” ayuu yiri Awojat oo la hadlay Nation.

     

     

    Carruurta uu aabahan dib loo helay dhalay iyo xubno kale oo ehel la ahaa ayaa sannado badan baadigoob ugu jiray, waxa ayna sheegeen in baadigoobkoodii joojiyeen 10-sanno kahor markii ay quusteen.

    Odaygan la helay waxa uu kunoolaa guriga  nin lagu magacaabi jiray Aloni Muzungyo, oo ahaa caaqil beeleed, waxaana markii uu dhintay ninkan uu sannadkii 1976 la noolaa gacanta ku hayay qoyskiisa, waxaana la sheegay in ninkan uusan yeelan qoys iyo carruur kale.

    W/Q Gacal Ayman

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDEG-DEG Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabelle Dabageed ayaa Xil u magacaabay……………..?
    Next Article Shirka ayaa ka tashiga Gobollada ssc oo lagu wado in uu saaka ka furmo Laas-caanood

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhig ku yaalla Muqdisho

    March 15, 2023

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka aroortii hore lagu qaaday…

    Daawo:- Masuuliyiin katirsan Dowlada Hirshabelle oo kormeer ku tagay biyo xireenka Sabuun ee degmada Jowahr.

    March 16, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.