Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Xog cusub oo kasoo korortay Weerarkii Xarunta G/Banaadir iyo qofka la doonayay in lagu dilo
    Gudaha

    Xog cusub oo kasoo korortay Weerarkii Xarunta G/Banaadir iyo qofka la doonayay in lagu dilo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 26, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana gudaha xarunta ka dhacay dagaal saacado socday oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

    Shan dagaalame oo katirsan Al Shabaab ayaa qaraxa ismiidaaminta kaddib galay gudaha xarunta dowladda hoose, waxaana la sheegay in raga hubeesan durbadiiba abaareen xafiiska guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maamliyadda gobolka Ciise Guure.

    Sida aan xogta ku helnay ilaalada Ciise Guure oo feejignaan ku jiray xilligaasi ayaa rasaas kuĀ  furay dhinaca dableydii hubeesneed ee kusoo socotay, kuwaa oo markii fashilmeen bedelay jihadooda una weecday qeybo kale oo xarunta gobolka katirsan.

    Xilliga weerarka dhacayay waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ku sugnaa Ciise Guure oo ahaa ku simaha guddoomiyaha gobolka iyo xoghayaha maamulka , waxaana xarunta ka maqnaa guddoomiye Madaale oo safar jiray iyo kuxigeennada kale.

    Xogo la helayo ayaa sheegaya in ujeedka weerarka lagu qaaday xarunta dowladda hoose aheyd in lagu qaariyo guddoomiye Ciise Guure oo la sheegay in siyaasad ahaan isku dhacsan yihiin masuuliyiin kale oo katirsan maamulka sare ee gobolka.

    Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ammaankeeda la adkeeyo marka uu joogo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale , halka marka uu maqan yahay ay ciidamada ilaaladiisa iyo kuwa kale ee ammaanka suga xarunta ka daneestaan.

    Weerarka Al Shabaab ku galeen xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaana u muuqday mid la fududeeyay oo gacmo kale oo Shabaab ka baxsan ku lug lahaayeen, mana jirto ilaa hadda cid baaritaan rasmi ah ku sameesay weerarkan.

    Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa horey loogu dilay qarax la fududeeyay oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka , mana jiraan inta badan baaritaano rasmi ah oo lagu sameeyo weerarada halista ah ee dhaca.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDEG DEG Wasiir loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya
    Next Article Maalinta koowaad oo Hawada Somalia ay ku shaqeynayso darajadda A (Class A)

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Taliye Ciidan oo ka badbaaday Qarax la doonayay in lagu dilo iyo Khasaaro ka dhashay

    February 21, 2023

    Qarax nuuca miinada ah ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday Gaashaanle Sare Maxamed Daahir…

    Wareysi: Hadaan Al-Shabaab deg deg looga xoreyn Ceelbuur qof nool loogu tegi maayo

    March 17, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.