Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dowlad dhiskii dalkeenna, midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed isagoo si hufan ugu shaqeeyay Qaranka Soomaaliyeed.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan u tacsiyeeynayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey”.
Madxaweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umada ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud M Seeyseey oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee B JFS oo ku geeriyooday Muqdisho. @GudlaweHussein pic.twitter.com/TuRDkuigcU
— RADIO HALGAN (@rhalgan) March 18, 2023