Magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool waxaa dib uga billowday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Xoogagga la magac-baxay SSC (Sool, Sanaag & Cayn) waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac & Maxaabiis la kala qabsaday.
Dagaalka ayaa saakay waqti hore ka billowday duleedka Magaalada Laascaanood, Duqeyn xooggan oo ah hubka culus ee qoryaha waaweyn laga tuuro ayaa ku dhacday qaar kamid ah Xaafadaha Magaaladaas.
Teleefishinka Somaliland ayaa soo bandhigay saddex ruux oo midkood uu dhaawac ka muuqdo oo lagu sheegay in ay yihiin Maxaabiis laga qabtay dhinaca SSC, waxaa wehliyay Gaari nooca dagaalka ah oo burbur xooggan soo gaaray.
Garaadda dhaqanka ee hoggaanka u ah Xoogagga SSC ayaa sheegay in dhankooda ay qabteen Maxaabiis ah Ciidan katirsan Somaliland kaddib markii dagaal xooggan ay foodda is dareen Ciidamada labada dhinac.
Afhayeenka Guddiga 33da xubnood ee dhaqanka ka kooban, Cabdrisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo Warbaahinta la hadlay ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay duullaanka soo qaadday isla markaana duqeyn xooggan magaalada Laascaanood ku beegsaneysa.
Cabdirisaaq Falaalug ayaa sheegay in ay tixgelinayeen xabbad-joojinta & waan-waanta la waday balse markii dagaal toos ah uga yimid dhinaca Somaliland waa sida uu ku dooday in ay difaac galeen si ay naftooda u difaacdaan.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xiritaanka Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay Baydhabo 15-17 Maarso 2023 ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Magaalada Laascaanood, dhinacyada isku hayana waxa uu usoo jeediyay in ay wadahadal ku dhammeeyaan waxyaabaha ka dhaxeeya.
“Baryahaan waad la socotaan Magaalada Laascaanood dhibaato ayaa ka taagan, in badan oo horayna waan ka hadalnay waxaas way na gubayaan, way na dhibayaan, kuma faraxsanin mana ku qanacsanid Dadka dhibtay ee Soomaaliyeed in aan aad iyo aad uga xunnahay ugana xannuunsanahay, nabad halaga taliyo, meeshu si dhayal ah la iskuma diline ee arrimaa yaal oo keenay in la is dilo, waxa aan leenahay marka hore xabbadda aan joojino, qoriga aan aamusino xabbadda ka dhaceyso, marka labaad aan isu imaano oo aan is warsano oo aan kala garqaadano” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
— RADIO HALGAN (@rhalgan) March 18, 2023
Dagaalka Magaalada Laascaanood ayaa billowday 6dii Febaraayo 2023 waxaana ka dhashay dhimashada dad ka badan 100 ruux, dhaawaca dad kor u dhaafaya 600 oo qof & barakaca in ka badan 200 oo kun oo qoys, weli xal xabbaddu ku joogsan karta lama helin.