Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Daawo:- Muqaal” Xasaasi ah” Somaliland oo sheegasho yaableh kasoo saartay dagaalka Laascaanood
    Gudaha

    Daawo:- Muqaal” Xasaasi ah” Somaliland oo sheegasho yaableh kasoo saartay dagaalka Laascaanood

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 18, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde.

    Caateeye ayaa sheegasho la yaableh ka soo saaray dagaalkaasi, wuxuuna shaaciyay in ciidamada Somaliland ay ka hortageen weerar laba jiho ah oo lagu soo qaaday.

    Wasiirka ayaa ku eedeeyay dagaalka maanta ka dhacay duleedka Laascaanood in ay soo qaadeen ciidamada Puntland oo kaashanaya koox argagixiso ah iyo kuwo nabad diid ah.

    “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaga oo ku sugan aagga bari fariisimaha Goojacadde waxaa kusoo weeraray ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaga oo kasoo weeraray laba jiho,” ayuu yiri Wasiir Cabdiqani Caateeye.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidanka Somaliland ay dagaalkan ku qabsadeen 15 qoray, laba gaari oo dagaalka ah, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 20-tameeyo maxaabiis ah.

    “Sida caadada aheyd ciidamada Somaliland waa ay ka guuleysteen cadowga, waxaana ay ka qabsadeen saanad milatari, laba gaadiid oo dagaalka ah, waxay qabsadeen 15 qoray iyo maxaabiis ka badan labaatameeyo” ayuu markale yiri wasiirka gaashaandhigga Somaliland.

    Ugu dambeyntii waxa uu hambalyo u diray ciidamada milatariga Somaliland ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

    “Waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhammaan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oon u rajeynayo mar welba inay codowga ka guuleystaan,” ayuu raaciyay.

    Dhanka kale saraakiil u hadashay SSC ayaa shaaciyay inay qabsadeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay la wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka milatariga Somaliland.

    Si kastaba, Laascaanood ayaa mudo ka badan bil waxaa ka socda dagaallo qaraar, waxaana lagu guul dareystay in la sameeyo xabad joojin, kadibna ay wada-hadlaan.

    https://www.youtube.com/live/IYl0OaAZgug?feature=

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWadaad Dhallinyaro ahaa oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho
    Next Article DEG-DEG:- Gudoomiyaha Xisbiga Daldhis Dr Abdirahman Adow ayaa ka falceliyay go’aamada ka soo baxay Shirka Qaranka

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Xamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday

    January 27, 2023

    Maalmo badan ayuu taagna loolanka xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya, waa mid kamid ah waxyaabaha uu…

    Dhageyso:- Soomaalida Minnesota oo ‘aargoosi’ ku tilmaamay go’aan ay qaadatay Amazon

    March 3, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.