Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Arimaha Bulshada»Filinka uu Cali dheere dhigay ee 50 sano ka dib weli la hadal hayo
    Arimaha Bulshada

    Filinka uu Cali dheere dhigay ee 50 sano ka dib weli la hadal hayo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 17, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo sanadkii 1973-ki uu soo baxay filimkii Bollywood-ka ee Abhimaan, oo ay hogaamiyaal ka ahaayeen xiddigga Amitabh Bachchan oo ay Soomaalidu u taqaan Cali dheere iyo xaaskiisa Jaya, oo 50-sano jirsaday sanadkan, ayey BBC-du baaritaan ku sameysay soo jiidashada aan gaboobeyn iyo saameynta filimkan.

    Amitabh Bachchan ayaa caan ku ah doorkii uu ku lahaa filinkii wiilka careysan ee Bollywoodka isaga oo wax ka jilay aflaam caan ah sida Deewar, Zanjeer iyo Sholay.

    Laakiin qaar badan ayaa u arka Abhimaan oo loola jeedo (Qabweynan) – riwaayada muusiga ee ku saabsan jilicsanaanta cilaaqaadka aadanaha – inay ka mid yihiin doorkiisa ugu wanaagsan ee uu ka ciyaaro filimanta.

    Jilaagan ayaa ku jilaya heesaa caan ah oo xaaskiisa cusub ku qanciya inay masraxa kula soo biirto, balse qabkiisa ayaa dhaawacmaya, Maseyr ayaana ka tan badinaya ka dib markii ay kaga fiicnaatay heesaha.

    Agaasime Hrishikesh Mukherjee ayaa Bachchan ku lamaaneeyay xaaskiisa Jaya – lamaanahan waa ay is jeclaadeen waxayna is guursadeen hal bil ka hor inta aan la soo saarin filinkan – waxayna ku guuleysatay abaal marinta caanka ah ee Filmfare ee atirishada ugu wanaagsan.

    Abhimaan oo nus qarni u dhameys tirmay bishii July ee sannadkii tagey ayaa muhiimad gaar ah ii leh – waa filimkii ugu horeeyay abid ee Bachchan ee aan arko walina ilaa maanta aan ugu jeclahay filimadiisa.

    Waxuu ka mid ahaa in ka badan nus darsin filimaan uu Cali Dheere dhigayo oo la sii daayay sanadkaas. Liiskan waxaa ka mid ahaa Saudagar oo sanadkaas ahaa filimka rasmiga ah ee India usoo galay tartanka abaal marinta Oscar iyo Zanjeer oo u horseeday inuu Bachchan noqdo halyeyga Action-ka sare ee Hindiya.

    Balse Saibal Chatterjee oo ah qoraa dhanka filimada ah ayaa BBC u sheegay in “Abhimaan uu ahaa filimka loogu hadal haynta badan yahay ee sanadka” iyo “soo saaristiisii ugu weyneyd sanadkaas”.

    Taageerayaasha ayaa raxan raxan u soo booqday shineemooyinka, qoysas dhan oo ay ku jiraan waalidiin iyo caruur yar yar ayaa soo buux dhaafiyay tiyaatarrada, iyagoo buux dhaafiyay bandhigyada matinee iyo fiidkii.

    Atariishada tiyaatarka, Monisha Bhaskar oo iyadu qiratay inay tahay “Taageeraha ugu weyn ee Bachchan” ayaa tiri “sheekada weligeed ah” ee ninka xaasidka ah ee aan ku faraxsanayn guusha xaaskiisa ayaa taabatay daawadayaasha “maxaa yeelay waxay ku qotontaa xaqiiqda”.

    “Sheekada Abhimaan waxay ahayd mid la aamini karo sababtoo ah islaweynanku badanaa waxuu ka dhex dhacdaa lamaanaha, gaar ahaan bulshada sida Hindiya oo kale ah oo inta badan raggu aanay ku qanacsaneyn inay arkaan dumarkooda oo si fiican u shaqeynaya.”

    Waxa la yaab leh,” ayay tiri, “isaga ayaa markii hore ku dhiirigeliyay inay heesto, balse hadana xamili waayey inay ka caansanaato iyada oo aan la tartamin isaga, kaliya waxay ahayd mid ka karti badan.”

    Ms Bhaskar, oo afar jir ahayd markii waalidkeed u kaxeeyeen daawashada filimka markii laga sii daayay shaneemo Delhi ku taal ayaa dib u booqatay daawashada filimka dhowr jeer tan iyo markaas.

    “Dabcan ma aanan fahmin markii ugu horeysay, laakiin waan ka helay muusiga iyo heesaha, marar badan ayaan daawaday tan iyo markaas, mar walbana waan sii jeclanayey,” ayay ii sheegtay.

    Ms Bhaskar waxa ay ku tixgalisa in doorkani ka mid yahay “waxqabadyadii ugu wacnaa ee Bachchan” waxayna sheegtay in Jaya, oo ah xaaska dhibaataysan, ay ahayd “mid la aamini karo” iyo “mususiga oo ahaa mid cajiib ah heesuhuna waxay sii hor mariyeen sheekada”.

    Sanadihii lasoo dhaafay, waxa uu Abhimaan ku kasbaday ammaan sare oo kaga imaaneysa taagerayaashisa, dhaleeceyn iyo saaxiibada Bachchan ee dhanka Filimada.

    Filim sameeyaha Karan Johar ayaa ku tilmaamay filimkan “mid ka mid ah filimada aan jeclahay” wuxuuna sheegay inuu ooyo “mar kasta oo aan arko”. Dhowr sano ka hor, atariishada Vidya Balan ayaa qiratay inay daawatay “markii 9-aad” waxayna ku tilmaantay filim aan waqti lahayn. Bishii Disembar 2022, Bandhiga Filimada Caalamiga ah ee Kolkata ayaa filimkan ku bilowday.

    Bachchan qudhiisa ayaa si wacan uga hadlay Abhimaan, isagoo ku tilmaamay inuu yahay “filimkii aniga iyo Jaya isu kaaya keenay, hal-abuurkii ugu xusuusta badnaa ee xirfaddeenna” wuxuuna sheegay in heesihiisa ay weli yihiin kuwo soo jiidasho leh oo riyo u ah qaar badan.

    Mr Chatterjee waxa uu sheegay in Abhimaan had iyo jeer looga hadli doono inuu yahay “mid heer sare kaga jira” xirfadda Bachchan sababtoo ah wuxuu ahaa “filim aan loo samayn oo kaliya inuu ku habboon yahay qaabka ragga iyo xanaaqa dhalinyarada”.

    “Tani waxay ahayd hal door muujiyay dhinac isaga ka duwan. Waxa uu ciyaaray halyey dhab ah, nin dhab ah kalsooni darro iyo hinaas. Waxa uu muujiyey inuu jilo karo kaalin walba oo loo qoro”

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXubno ka tirsan Kooxda PKK oo ku dhintay Shil Diyaaradeed
    Next Article Cabdiraxmaan Sheekh Xasan: “Marxaladdii kala qaybsanaanta Gaalkacyo cashir bay ka qaadatay wayna kasoo gudubtay”.

    Related Posts

    Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo kasoo gadooday furimaha dagaalka

    March 20, 2023

    Todobaatan jir guursaday gabar 11 sano jir ah iyo falcelin adag oo ka dhalatay

    March 19, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Dowladda Somaaliya oo mar kale xirtay Cabdalla Muumin – Xagee laga qabtay

    February 23, 2023

    Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa…

    Dagaal Maalintii Saddexaad ka socda Laas-Caanood

    February 8, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.