Ku guulaysiga abaalmarinaha shaqsiga ah ayaa ah riyada xiddig kasta oo kubada cagta ah waxana uu xiddig walba doonaa in uu ka soo muuqdo xafladaha waaweyn ee lagu bixiyo abaalamrinaha shaqsiga ah.
Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee loo caleemo saaray abaalmarin weyn kadib markii uu ku guulaystay abaalmarinta The Best ee ay bixiso FIFA.
Ku guulaysiga abaalmarinaha shaqsiga ah ayaa sidoo kale leh abaalmarin dhaqaale oo fiican waxana ay xiddiguhu mar walba ku riyoodaan ku guulaysiga abaalmarinaha shaqsiga ah.
Waxa jira xiddigo badan oo ku guulaystay abaalmarino badan oo kala duwa xirfadooda ciyaareed waxana ay marar badan ka soo muuqdeen xafladaha iyaga oo ku guulaysanaya abaalmarino.
Hadaba waxa aan halkan ku soo Bandhigi doonaa 5-ta xiddig ee ku guulaystay abaalmarinaha ugu badan ee shaqsiga sida Ballon d’Or, FIFA Abaalmarin, European Golden Shoe, FIFA World Cup Golden Ball and Puskas trophies).
1 Lionel Messi (Argentina) – 18 Abaalmarin
2 Cristiano Ronaldo (Portugal) – 14 Abaalmarin
3 Ronaldo Nazario (Brazil) – 7 Abaalmarin
4 Marco van Basten (Netherlands) – 5 Abaalmarin
5 Zinedine Zidane (France) – 5 Abaalmarin