Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Arimaha Bulshada»Waa Maxay Maalinta Jacaylka (Valentine’s Day) Mase banaan tahay diin ahaan..?! Daawo:- Muqaal
    Arimaha Bulshada

    Waa Maxay Maalinta Jacaylka (Valentine’s Day) Mase banaan tahay diin ahaan..?! Daawo:- Muqaal

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 14, 2023No Comments5 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Bisha Febraayo 14-keeda sanad kasta maanta oo kale ayaa loo aqoonsaday inay tahay Maalintii Jaceylka Aduunka (Valentine’s-Day), waxaana la isku diraa Salaamo, Ubaxyo qurux-badan, iyo Hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel, iyo kuwa isqaba.

    Hadaba maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo Xafladaha lagu maamuuso Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?.

    Marka ay dhagahaaga ku soo dhaco ereygan Valentine’s waxaad markiiba dareemaysaa in magacani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Roomaanka.

    Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaase loo dilay, haddana loo xusaa ilaa maanta, oo looga dhex arkaa magaciisa mel walba oo jaceyl lagu sheegaa, xafladona ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?

    AAN DIB UGU LAABANO TAARIIKHDA

    Qarnigii Sadex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam) ayaa waxaa jiray Boqor la dhihi jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga, boqorkaas wuxuu amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaasoo ahaa Ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa.

    Balse nasiib darro waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninkan geeridiisii ay u dabaaldegaan maantay lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyarta waa Valentine.

    Wuxuuna bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba markii ay soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray in la geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.

    Sida ay sheegaan dadka taariiqda qora ee Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsiga ku jiray Jaceyl xad-dhaaf ah oo uu u qaaday gabar dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabar uu dhalay Ninkii xabsiga ka talinayay taasoo soo booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga.

    Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, warqadaas oo ciwaan kaga dhigay.

    “Ka socoto Valentinkaagii” wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintenes oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271kii dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go’aansaday in la xuso maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel jaceylka ay isku qabaan inta uu la egyahay. oo haddii maalinkaas qof ayaga ka mid ah hilmaamo loo micneeyo inuusan jaceyl heynin.

    Marka laga hadlaayo arimaha Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin, inta badan waa la isku maan dhaafaa, maadama aan la aqoonin sida loogu macneyn lahaa loona fahansiin lahaa dadka aan weli jaceyl jaribin, oo jaahilka suuq jooga ah iska ah, dareenka ay sheeganaayaan lamaanayaasha isjecel, sida farxada, macaanka, murugada iyo xanuunka ay isla wadaagaan, hoygana u yihiin maalin iyo habeen hadii ay is waayaan.

    Hadaba akhriste MAALINTA JACEYLKA ADUUNKA MA LOO DABAAL DEGI KARAA, OO MA TAHAY MAALIN MUTEYSATAY IN LOO DABAAL DEGO?? hadii aad caqligaaga si sax ah ugu laabatid waa MAYA, dhowr sababood daraadood:

    1) Horta haddii aan nahay umad islaam ah waa inaan ka soo horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah KIRISTANKA IYO YAHUUDA, oo waa in aanan qiimeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuuniyaan, maadaama aan kala nahay dad aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneyn Adduunyo iyo Akhirana aan isku wado mareynin.

    2) Nin Masiixi ah maalintii uu geeriyooday in lagu farxo, oo hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo oo lamaane kasta ay si gooni ah u qaddariyaan taas diinteena wanaagsan oo islaamka ah ma ogola oo waa mamnuuc.

    3) Umadda islaamka ah waxay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan oo ciid ah sida: Ciidul-fitriga Ciidul Adxaa iyo asbuuc kasta maalinka Jimcaha, oo shaqada iyo Waxbarashada nasiino laga qaadanayo. Intaas waxaa dheer in famil kasta iyo waddan kasta ay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladana u wada dhigtaan, waxaa ka mid ah Maalinkii ay lamaanaha isqaba isguursadeen dhalashadii caruurtooda iwm.

    4) Valentine waxaa loo dilay inuu ka soo horjeestay sharcigii waddankiisa. Waxa uu sharcigaas ku dumiyeyna waxaa la sheegay inuu yahay jaceyl uu u qaaday dumar fara badan oo uu guursaday. Dadka is jecel waxay ku doodaan maantay in qof walba hal qalbi leeyahay, sidee ku suurtagashay in Valentine oo lagu tilmaamo inuu ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado waxaasoo dumar ah, weliba wada guursaday? Sow lama dhihi karo Valentine naftiisa ayaaba ahaa cadawgii jaceylka waa hadii dhab loo aaminsan yahay inuusan jirin qof laba qalbi leh? Sow lama dhihi karo ninkii tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu kala dhameysto sharciyeeyey wuxuu ahaa Valentine?.

    Su’aalahaan waxay quseeyaan, oo aan ku baraarujinaa dadka ku guda jira, una dooda in jaceyl yahay wax dhex mara laba qof oo kaliya.

    Hadaba walaalaha muslimiinta ah is dhowra, inta Illaah idinku waajibiyayna ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl idinkugu filan, waana caqli xumo inaad isku maqshquulisaan wax aan la idin dirsan, ajar iyo xasanaad midna idinkugu jirin inay danbi, carro Rabi iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane.

     

    W/Q: Maxamuud Dalmar
    [email protected]

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleHanti dhawraha Guud ee Qaranka oo iska casilay xil uu horey u hayay (Akhriso)
    Next Article Mareykanka oo ku wareersan waxa ay yihiin Saddex walxood oo ay soo rideen?

    Related Posts

    Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo kasoo gadooday furimaha dagaalka

    March 20, 2023

    Todobaatan jir guursaday gabar 11 sano jir ah iyo falcelin adag oo ka dhalatay

    March 19, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    CC Shakuur oo si aan la fileyn u dhigay shirkii Muqdisho ee madaxda dalalka safka hore

    February 3, 2023

    Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa…

    Arday dilay Macalimadiisii, xili ay cashar bixineysay oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

    February 25, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.