In la qabto shirweyne ay isugu imaanayaan waxgaradka beelweynta Xawaadle, si looga arinsado danta beesha iyo arimaha masiiriga u ah, waa arin wanaagsan oo mudan in bogaadiyo, balse waxaa jira laba qodob oo mugdi badan gelin kara shirka, una baahnaa in si qoto-dheer looga fiirsado, kuwaas oo kala ah
𝟏. 𝐆𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨
Sida ku cad ajendaha, waxaa shirweynahan loogu magac daray Mujaahid Cilmi Hagar Guure oo ku shahiiday deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, isagoo dadkiisa iyo deegaankiisa cadawga ka xoreynaya, si loo xurmeeyo Halyey Cilmi, waxay ahayd in shirka lagu qabto Hiiraan oo ah halkii uu ku shahiiday, hase ahaatee, taa bedelkeeda waxa laga doorbiday in shirka lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo waxgarad badan oo gudaha dalka jooga ay aad ugu adagtahay in ay u safraan, kuwaas oo talooyin wax ku ool ah ku biirin lahaa shirka, balse duruufaha jira darteed aanay u saamixi karin in ay shirkaas ka qeybgalaan, waxaana halkaas ku baaqsan doona miisaankii uu shirka yeelan lahaa iyo talooyinkii waxgaradkaas oo xal noqon lahaa mashaakilka guud ee beesha haysta, sidaa darteed, filashada laga qabi karo shirkan waxbadan kama duwanaan doono shirarkii ay qurba joogtu yeelan jireen ee natiijo la’aanta laga dhaxli jiray
𝟐. 𝐊𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐃𝐚𝐛𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚
In shirweynaha lagu casuumo Yuusuf Dabageed oo dhibaato badan u geystay beesha Xawaadle, waa jarriimo kale oo lagula kacay beesha, waana astaan muujineysa in beeshu aanay ahayn dad xumaanta iska qabta, runta isku sheegi kara, lana xisaabtami kara kooda xun ee dibindaabyada ku wada.
قال رسول الله ﷺ: انصر أخاك ظالمًا أو مظلومًا، فقال رجل: يا رسول الله، أنصره إذا كان مظلومًا، أفرأيت إذا كان ظالمًا كيف أنصره؟ قال: تحجزه أو تمنعه من الظلم فإن ذلك نصره، رواه البخاري
Dabageed, ma mudna soo dhoweyn iyo maamuus sare, waa dambiile u baahan in la maxkamadeeyo, wuxuuna doorashadii dalka ee Beledweyne lagu qabtay uu dhacay siyaasiyiin badan oo kursi usoo doontay reerkooda, kuwaas oo ay qaarkood ku dhinteen qaraxyadii gilgilay Beledweyne, halka kuwa kale ee jooga maanta la filayo in ay shirka yimaadaan oo ay talo ku yeeshaan, sidaa darteed, maadaama Dabageed iyo siyaasiyiintaas dhibanaha u ah aanay heshiis ahayn, wax weyn kama soo bixi doono madal lagu maamusayo Dabageed
𝐆𝐚𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐨
Guddiga Qabanqaabada Shirka iyaga oo fiirinaya maslaxada guud ee beesha waa in aanay casuumin Dabageed oo ah ruuxa laga shirayo ee la doonayo in la xalliyo uu dhibaatooyinkii uu abuuray
W/Q Xildhbaan hore Abdulqadir
Sheikh Xanafi