Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Somaliland oo sheegtay in Puntland ay jihooyin cusub ka billaabeyso dagaalka socda
    Gudaha

    Somaliland oo sheegtay in Puntland ay jihooyin cusub ka billaabeyso dagaalka socda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 12, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda Somaliland ayaa dowlad-goboleedka Puntland ku eedeeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii toddobaad.

    Somaliland ayaa waxay sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda.

    “Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xiligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

    Shalay unbay aheyd markii ay xukuumadda Somaliland digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-goboleedka Puntland oo ay sheegtay in ciidamo tiro badan keentay xuduudda labada maamul wadaagaan ee aagga Tukaraq.

    Waxay sheegtay in tallaabada Puntland ay keeni karto isku dhac ciidan oo u dhaxeeya Somaliland iyo kuwa Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

    Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida Laascaanood ku sugan oo iyagu ku xiray dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

    Xabad-joojinta Somaliland ayaa weli waxba ka tarin dagaalka socda, wuxuuna saaka uu dib uga billowday magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo galay maalintii todobaad.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWasiirkii u horeeyey ee ka socda Yurub oo tagay Turkiga Dhul-gariirkii kadib
    Next Article DEG-DEG:-Guddoomiye Cali Jeyte oo dibad joog ka ah” Gobolka Hiiraan ayaa si adag ugu hadlay Daawo:- Muqaal

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Isimada ku shirsan Laascaanood oo ka hor yimid dhexdhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

    February 2, 2023

    Isimada gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag iyo Cayn ee magaalada Laascaanood ku…

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka

    January 4, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.