Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Maxay dumarka uurka leh ee Ruushku ugu qulqulayaan dalka Argentina?
    Dibadda

    Maxay dumarka uurka leh ee Ruushku ugu qulqulayaan dalka Argentina?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 12, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    In ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh ayaa galay Argentina bilihii la soo dhaafay, oo uu ka mid yihiin 33 ka mid ah oo hal duulimaad saarnaa maalintii Khamiista, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Dumarka ugu dambeeyay ee soo galay dalkan ayaa dhamaantood ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyay ee uurka, sida ay sheegtay wakaaladda socdaalka ee dalkaasi.

    Waxaa la rumeysan yahay in haweenku ay doonayaan in carruurtoodu ay ku dhashaan gudaha Argentina si ay u helaan dhalashada Argentina.

    Tirada dadka imanaya ayaa kor u kacday dhawaanahan, taas oo warbaahinta maxalliga ah ay ku sheegtay in uu ka dhashay dagaalka Ukraine.

    33 ka mid ah haweenka ku yimid caasimadda Argentina hal duulimaad maalintii Khamiista, saddex ka mid ah ayaa loo xiray “qaladaad ku saabsan waraaqahooda”, iyagoo ku biiray saddex kale oo yimid maalintii hore, madaxa hay’adda socdaalka Florencia Carignano ayaa sidan u sheegtay majallada wararka ee La Nacion.

    Haweenka Ruushka ayaa markii hore sheegtay in ay Dalxiis ahaan u yimaadeen Argentina, ayay tidhi.

    “Xaaladahan waxaa la ogaaday in aysan halkan u imaanin si ay ugu dalxiisaan dalka, iyaga laftooda ayaa qiray.”

    Waxay sheegtay in haweenka Ruushku ay doonayeen in carruurtooda ay helaan dhalasho Arjantiin sababtoo ah waxay ku helayaan xorriyad socdaal oo ka badan tan baasaboorka Ruushka.

    “Dhibaatada ayaa ah in ay yimaadaan Argentina, caruurtoodana u diiwaan gashadaan muwaadininn kadibna ay ka baxaan dalka. Baasaboorkeena aad buu u ammaansan yahay adduunka oo dhan. Waxa uu u ogolaanayaa [dadka haysta] in ay galaan 171 waddan si bilaash ah,” ayay tiri Ms Carignano.

    Haysashada ilmo Argentine ah waxay sidoo kale dedejisaa nidaamka dhalashada ee waalidiinta. Sida ay hadda tahay, Ruushku waxay si bilaash ah ugu safri karaan 87 waddan oo keliya.

    Qareenka u doodaya saddexdan haween ee la xiray Khamiistii ayaa sheegay in ay sharci darro ku xiran yihiin, maadaama lagu eedeeyay inay yihiin dalxiisayaal been abuur ah. Kani waa erey “aan ka jirin sharcigeena,” Christian Rubilar ayaa yidhi.

    “Haweenkan oo aan dambi gelin, aanan jabin sharciga socdaalka, ayaa si sharci darro looga qaadayaa xoriyadooda,” ayuu raaciyay.

    Haweenka ayaa hadda la sii daayay.

    Wargeyska La Nacion ayaa u sababeeyay kacsanaanta lama filaanka ah ee soo galootiga muwaadiniinta Ruushka, mid la xiriira dagaalka Ukraine, isagoo yiri “marka laga reebo ka cararidda dagaalka iyo adeegga caafimaadka dalkooda, [haweenka Ruushka] waxaa soo jiitay [xuquuqda] fiisaha bilaashka ah ee Argentina, iyo sidoo kale sida daawooyinka tayada sare leh iyo noocyada kala duwan ee isbitaallada”.

    “Dalxiiska umuliida” ee muwaadiniinta Ruushka ee Argentina waxay u muuqataa mid faa’iido leh oo si fiican u hir gashay.

    Shabakad ku hadasha afka Ruushka oo ay aragtay BBC-du ayaa soo bandhigeysa xirmooyin kala duwan oo loogu talagalay hooyooyinka uurka leh ee raba inay ku dhalaan Argentina. Shabakaddu waxa ay xayaysiinaysaa adeegyada ay ka midka yihiin qorshayaasha dhalashada ee gaarka ah, ka-qaadista garoonka diyaaradaha, casharro afka Isbaanishka ah iyo qiimo dhimista kharashka joogitaanka “cisbitaallada ugu fiican caasimadda Argentina”.

    Xirmooyinka ayaa u dhexeeya “qaybta dan yarta”, laga bilaabo $5,000 (£4,144), ilaa “kuwa ladan”, oo ka bilaabmaya $15,000 (£12,433).

    Mareegtan internet-ka ayaa sheegtay in aasaaseheedu uu fududaynayey dalxiiska dhalmada iyo bixinta taageerada socdaalka tan iyo sannadkii 2015, shirkaddu waxa ay sheegtay in ay tahay “100% mid Arjantiin ku sugan”.

    Sabtidii, La Nacion ayaa sheegtay in booliiska Argentine ay qaadeen hawlgal, kaas oo qayb ka ah baaritaanka “ganacsiga malaayiinta doolar ah iyo shabakad sharci darro ah” oo lagu eedeeyay in haweenka Ruushka ah ee uurka leh iyo lamaanayaashooda ay siiyeen dukumeenti been abuur ah si loogu ogolaaado inay Argentine dagaan.

    Booliiska ayaa sheegay in kooxdan burcadda ah ay ka helaan adeeggan ilaa $35,000 (£29,011) oo lacag ah.

    Ma jirto cid loo soo qabtay falkan, balse waxaa la sheegay in boolisku ay gacanta ku dhigeen Laptop-yo iyo Tablets iyo sidoo kale warqado socdaalka iyo lacag aad u badan.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleAkhriso:- Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose
    Next Article Waa maxay baahida keenaty in buufin loo adeegsado basaasid iyadoo dayax gacmeedyo jiraan?

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Gudiga oo maanta kulan Ku yeeshay magalada Muqdisho ayaa aad u bogaadiyey howlaha muhiimka…

    Mareykanka oo $10 Milyan oo Doollar dul dhigay Madaxa Maxamuud Cabdi Aadan oo Hoggaaminayay Weerarkii ka dhacay Dusit D2.

    January 13, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.