Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Maxay ahaayeen warqadaha Hay’adda FBI-da kasoo qaadday guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence?
    Dibadda

    Maxay ahaayeen warqadaha Hay’adda FBI-da kasoo qaadday guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 11, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI ayaa waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence ee ku yaalla gobolka Indiana, intii lagu gudajiray baadhitaan ay saraakiisha hay’addu ku sameeyeen maalintii Jimcaha.

    Baadhitaankan ayaa yimi, ka dib markii qareenada Mike Pence ay guriga madaxweyne ku xigeenka ka heleen bishii hore waraaqo xasaasi ah oo ay dawladdu leedahay.

    Lataliyaha madaxweyne ku xigeenkii hore, Devin O’Malley ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku inay dhamaystirtay baadhitaan dhamaystiran oo aan xadidnayn oo qaatay shan saacadood oo lagu sameeyey guriga Pence, waxayna guriga ka heleen “hal document oo sira, iyo illaa lix bog oo kale oo aan wadanin tixraac sheegaya sir ahaansho, kuwaas oo aanay hore u aqoonsan la taliyaha sharciga ee madaxweyne ku xigeenka hore.

    Baadhitaankan oo ahaa, mid ay ka wada hadleen wakiillo ka socda Pence iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanku, ayaa ku soo beegmaya iyada oo loogu yeedhay baadhitaan gaar ah oo lagu samaynayo, tallaabooyinkii uu qaaday madaxweynihii hore ee Donald Trump ee uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyada oo Mike Pence uu xilligan ka fikirayo inuu u tartamo madaxtinimada dalka Maraykanka, sannadka 2024.

    Mike Pence ayaa noqonaya masuulkii saddexaad ee dhismayaashiisa laga helo waraaqo sir ah, ka dib baadhitaan ay samaysay hay’adda FBI, hore waxaa loo baadhay guryaha ay degan yihiin, madaxweynihii hore Donald Trump iyo madaxweynaha haatan xilka haya Joe Biden, oo guryahooda laga helay waraaqo sir ah.

    Isha: VOA Somali

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDowladda Kenya oo ka falcelisay digniinta Ingiriiska & Mareykanka ee la xiriirta in ‘AS’ weeraro ka geysan karto Dalkaas.
    Next Article Isbadal lagu Sameeyn rabo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa sheegay in awood la isugu geynayo difaaca Badda

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Muxuu yahay tababarka casriga ah ee Ciidanka ATMIS siiyeen saraakiisha CID-da?

    January 13, 2023

    Koox danbi-baarayaal ah oo ka tirsan Hoggaanka Danbi-baarista ee CID-da ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa…

    Mas’uuliyiinta Somaliland u magacowday Laascaanood oo iscasilaya+ go’aan ay ku dhawaaqeen

    February 9, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.