Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya G/Sare Mubaarak Cabdiqani oo khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu muusaayay 58 Sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidankaas ayaa ka sheekeeyay heerarka kala duwan uu soo maray ciidankaan & howlaha horyaalla.
G/Sare Mubaarak ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dib usoo celinta awooddooda la xiriirta difaaca Biyaha Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya tababarka la siiyay iyo qalabka ay ku howlgalaan.
Taliye Mubaarak ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay xaalado kala duwan balse haatan ay hiigsaneyso ka gudubka dhibaatooyinkii dalka soo maray, waxa uu soo jeediyay in la taageero Ciidamada qaybahooda kala duwan
Mustaqbalkeenu waxa uu yahay in 58 sano kaddib in aan ciidan dhisno oo sharaf leh, karaamo leh, badda aan leenahay waxaa weeye 3,333 oo khayraatka ku jira uu ku filan yahay 27ka Milyan ee Soomaaliyeed dhammaanteen intaas ayaa naga badan, baddeena nimcada taal waxa aan ku gaari karnaa in la ogaado Ciidanka Badda” ayuu yiri G/Sare Mubaarak Cabdiqani, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.
DFS ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso xoojinta dhismaha Ciidanka Badda oo mas’uul ka ah ilaalinta biyaha & khayraatka ku jira qaybta ay leedahay Soomaaliya iyo in ay ka shaqeeyaan in maraakiibta & Doomaha kala duwan ay si nabadgalyo ah uga gudbaan.