Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 10-aad ee Golaha.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Korontada Qaranka iyo Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kaas oo todobaadkii hore ay meel mariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas iyo Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimiyadda labadaas sharci oo ay golaha hor keeneen
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim oo maanta kulanka shir guddoomiyay ayaa faray guddiyada golaha ee shaqada labadaas sharci u xilsaaran in ay la wareegaan sharciyadaas kana soo shaqeeyaan.
6-da February 2023-ka ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya meel mariyay Hindise Sharciyeedka Korontada Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA kaas oo Xildhibaannada ay mariyeen akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad.