Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»DEG DEG Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo u loolamaya kursigii Hop86 ee laga xanibay Fahad Yaasiin
    Gudaha

    DEG DEG Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo u loolamaya kursigii Hop86 ee laga xanibay Fahad Yaasiin

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 11, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa isku soo taagay doorashada kursiga HOP86 ee golaah shacabka Soomaalya oo dhowaan la qabanayo.

     

     

     

    Kursigan ayaa waxaa horey ugu guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah agaasimihii hore ee heyadda NISA hase ahaatee natiijada doorashadaas ayaa waxaa kansalay gudigii la kala diray ee doorashada heer Qaran FEIT.

     

     

     

    “Keddib wadatashiyo aan la sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Kursiga HOP86, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inaan ahay musharax u taagan tartanka kursigaas. Laga bilaabo maanta oo Sabti ah, taariikhduna ku beegan tahay 11ka Febraayo 2023, waxaana kulamo kala duwan la qaadanayaa daneeyeyaasha tartanka, aniga oo rajaynaya inaan heli doono kalsoonidiinna si aan idinku matalo Golaha Shacabka JFS” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

     

     

     

    Kooxda Damujadiid ee talada dalka heysa ayaa kursigan dooneysa iney siiso Dr. Maxamed Xaaji Axmed oo ka tirsan kooxda kaasoo sidoo kale ah nin ka tirsan culimada Soomaalida iyo bahda waxbarashada, waana shaqsiga loo badinayo inuu ku soo baxo loolanka kursigan loogu jiro.

     

     

     

     

     

    Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka mid ahaa raggii sida weyn ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ragga falanqeeya siyaasada ay rumeysan yihiin iney aad u yar tahay fursadaha uu kursigan ugu guuleysan karo.

     

     

     

    Wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxnimada Cabdinuur uu gadaal ka riixayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ay ka wada tirsanaayeen Kooxdii looga adkaaday doorashadii dalka ee Nabad iyo Nolol.

     

     

     

    Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo la rumeysnaa inuu kursiga doonayo ayaa la sheegay inuu ugu dambeyn ka tanaasulay.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMuuse Biixi oo Isbitaal ku booqday Askar ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood (Sawirro)
    Next Article Al-Shabaab Weeraro qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday Afmadow,

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Wasaaradda awqaafta iyo diinta ayaa ugu maasuqmaasuq badan Wasaaraddaha Xukuumadda FS

    March 6, 2023

    Raadiyo halgan waxay idiin soo gudbineeysaa warar ay ka heleeyso ilo ka tirsan wasaaradda awqaafta…

    Maamulka Gobolka Hiiran oo War kasoo saaray qaraxyada khasaaraha geystay

    January 4, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.