Qarnigii 16-aad dhexdiisa, Waxaa laga wada hadlay samaynta Rupmati ee Gobolka Malwa. Gobolkan Malwa oo 700 oo kiiloo mitir u jira magaalada Delhi ee Hindiya, ayaa ka kooban gobollada, Madhya Pradesh, Gujurat, Rajashthan iyo iyo Maharshtra.
Qarnigii 16-aad dhexdiisa, Waxaa laga wada hadlay samaynta Rupmati ee Gobolka Malwa. Gobolkan Malwa oo 700 oo kiiloo mitir u jira magaalada Delhi ee Hindiya, ayaa ka kooban gobollada, Madhya Pradesh, Gujurat, Rajashthan iyo iyo Maharshtra
Sida lagasoo xigtay qoraa Malathi Ramachandran, wabiga Narmada ayaa dhex mari jiray gobolkan Malwa. Xilli xilliyada ka mid ah ayuu Baz Bahadur aaday ugaadhsi. Isaga oo maraya jiinka wabiga ayuu maqlay , ayuu maqlay cod hees oo aad u macaan .
Hawadu waxay ahayd mid saxansaxo macaan iyo udug leh. Waxa uu bilaabay in uu raaco dhanka uu codka ka maqlayey.
Inta uu socday ayuu arkay gabadh geed weyn hoostiis ka heesaysa. Halkii ayuu istaagay dhegtana la raacay codka macaan. Markii ay gabadhu bilowday in ay cod sare ku heesto ayuu Baz Bahadur bilaabay inuu asna isla codkaas kula qaado heesta.
Baz Bahadur waxa uu ahaa magaca boqortooyo ee Mian Bayazid. Waxa uu sidoo kale xukumayey Boqortooyadii Malwa ee badhtama Hindiya, balse jaceyl qoto dheer ayuu sidoo kale u lahaa muusiga. Taariikhyahan Abul Fazal waxa oo qoray in Bahadur uu sidoo kale ahaa heesaa aan caadi ahayn.
Baz Bahadur ayaa la tacajubay habka laxanka iyo quruxda codka ee heesta. Isla markiiba wuu jeclaaday gabadha . Waxa markaas gabadhu magaceedu ugu sheegaty cod dirqi ah in la yiraahdo Rupmati.
Sida laga soo xigtay sheekooyinka, Baz Bahadur waxa uu guur usoo ban dhigtay Rupmati. Waxayna ugu jawaabatay “ Waxaan ogolaanayaa guurkaaga marka uu wabiga Reva dhex maro magaalada Mandu.”
Baz Bahadur waxa uu ku dhaadhacay wabiga waxa uuna wabigii ka codsaday in uu dhex qaado magaalada Mandu oo ku taal buur dhulka ka sarraysa in ka badan saddex boqol oo mitir.
Markaas ayada ah Rupmat,i ayaa tiri, “ waxaad aaddaa caasimadda, halkaas aad waxaadna raadisaa geed xamareed la barakaysto. Waxaad xididka geedkaas ka heli doontaa il biyood.”
Baz Bahadur waxa uu helay geedkii ka dibna waxa uu qoday hoostiisa. Waxaa halkaa ka samaysmay haro biya ah riyadii Rupmati-na sidaas ayey ku rumowday. Hartan waxaa loo bixiyey Reva Kund.
Jaceylka ay Rani Rupmati u qabtay Narmdev
Sida uu Ramachandran qorayo Baz Bahadur waxa uu Rupmati ka codsaday inay raacdo oo ay kula noolaato qasriga boqortooyada. Balse waxay ku xidhay shardi kale oo dheeraad ah kaas oo ah in uu u galaado inay maalin walba la kulanto Narmadev.
Waa uu ka ballan qaaday. Sida ballantu ahaydna waxa uu qasrigiisa ka dhex dhisay laba qubbadood. Rupmati ayaa Narmada ka arki karaysay Qubbaddeeda.
LM Karump ayaa sheekada turjumay sannadkii 1926kii wuxuuna ciwaan uga dhigay ‘ Haweenaydii Lotus-ka: Rupmati Mandu ki Malika: Loyaali ki Ek Ajibogarib Kahani’.
Maxamed Xuseen Azad ayaa buuggiisa ‘ Darbar-eAkbari’ ku qoray in Rupmati ay ahayd qof ay quruxdeedu aad u soo jiidatay Baz Bahadur. “Quruxda waxaa u dheeraa oo ay lahayd, jooggeeda, heesteeda, iyo gabaygeeda oo u nuurinayey sida dayax 15-aad ah.”
Karamp ayaa sheegay in Rumpati lagu xasuusto xawaaraha muusigeeda iyo gabaygeeda. Iyada oo heesta Bhim Kalyan Raga xataa samaysay.
Cilmi baaraha Jaamacadda Islaamiga ah ee Aligar, Syed Bashiir xassan ayaa daraasadiisa ‘Mughlon Ke Matahat Malwa’ ku qoray in “Rupmati lala xiriiriyo nooca heesaha ee Riti Kavya”.
Al Umri ayaa buuggiisa ku xusay ilaa 26 gabay oo Rupmati leedahay. Mi ka mid ah gabayadanna waxa uu ahaaa;
Way adagtahay in la fuulo dheerarka jaceylka
Waa sida geed qumbe aan laamo lahayn
Waase nasiib wanaag hadii mirihiisa la gaaro
Waana ayaan hadey dhulka ku soo dhacaan
Sheekada Jaceyl ee Rupmati iyo Bahadur..
Baz Bahadur iyo Rupmati waxay is guursadeen sannadku markuu ahaa 1555-kii sida lagasoo xigtay Muslimiinta iyo Hiduugaba. Intaas ka dib lamaanahan waxaa dhex maray 6 sano oo Jaceyl ah.
Sida laga soo xigtay cilmi-baarista Dr. Tehjeeb Fatima, Baz Bahadur wuxuu waqtigiisa oo dhan la qaadan jiray Rupmati. Rupmati ayaa sidoo kaloo aad u jeclayd Baz Bahadur.
Waxaa la gaaray waqti ay labadaan midba midka kale ka fogaan karin xitaa in yar. Baz Bahadur waxa uu aad ugu mashquulay jacaylka uu u qabo Rupmati waxuuna xitaa iloobay kursigiisii boqornimo.
“Daulat Khan, oo ahaa amiirkii awoodda badnaa ee Salim Shah Suri, ina Sher Shah Suri, ayaa go’aansaday inuu weeraro Baz Bahadur.Balse intaas ka hor, Baz Bahadur ayaa la tashaday taliyayaal kale oo awood leh wuxuuna siiyey Ujjain, gobolka Mandu iyo kuwa kale.”
“Baz Bahadur waxa uu intaas ka dib ka faa’ideystay fursad uu Daulat Khan qoorta kaga jaray, isagoo madaxiisa ka lulay albaabka magaalada Sarangpur, markan wuxuu sidoo kale dib u helay dhulkii uu ka tanaasulay. Markii dambe wuxuu ballaariyay boqortooyadiisa isagoo qabsaday Raisen iyo Bhalesa. Laakin ka dib wuxuu bilaabay muusig. iyo maaweelada”.
Dhanka kale, Baz Bahaduur awooddiisii waa la wiiqay. Dayaca ka jira dawladnimada awgeed, baaralkii iyo saraakiishii waxay bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u maamulaan. Waxay heleen fursad ay dadka ku dhibaateeyaan. Isagoo ka faa’iidaysanaya fursadan, Mughal Imbaraadoor Jalaluddin Mohammad Akbar ayaa u dhaqaaqay dhanka Malwa.
Bishii Maarso 1570-kii, Akbar wuxuu diray ciidan hoos yimaada Maham Anga oo uu dhalay Adham Khan si uu u weeraro Malwa. Baj Bahadur wuxuu ku noolaa Sarangpur, ciidamada Mughal waxay gaareen Sarangpur. Markaasaa Baz Bahadur wuxuu degey meel kaam saddex kiiloo mitir m magaalada u jira.
Laakiin ma jirin dagaal iska cabin ah oo uu mla kulmay Adham Khana. Kadib markii uu ka adkaaday Baz Bahadur, waxa uu gaadhay Khandesh oo jihada koonfur-galbeed ka xiga wabiyada Narmada iyo Tapi. Khandesh waxay maanta ku taalllaa Maharashtra.
Rumpati waxay cabtay sun
Mohammad Hussain Azad waxa uu qoray, “Qarankii Baz Bahadur waxa uu ahaa mid da’weyn. Markaa ma haysan caqabad ciidan yari, dahab, ama lacag. Waxa uu lahaa kumanaan maroodi ah.”
Waxa uu lahaa fardo Carabi iyo Iiraaniyiin ah. Adham Khan aad ayuu ugu farxay inuu helo hantida faraha badan ee Baz Bahadur. Qayb maroodiyadii ka mid ah wuxuu u diray Akbar, halkaas ayuuna isagu ku haray.”
Kadib markii uu maqlay sharraxaadda quruxda Rupmati, Adham Khan aad ayuu ula dhacay. Rupmati ayuu macsalaameeyay. Rupmati ayaa ugu jawaabay oo ku yidhi, Tag, oo ha cadaabin kuwaad soo dhacsatay, Baz Bahadur wuu baxay, wax walbana way dhammaadeen, qalbigaygu wuu jabay.”
Adham Khan ayaa markale diray fariin kale. Hadda Rupmati waxay fahmtay inuusan dhabarka jeedin doonin.
Laba ama saddex jeer ayay diiday soo codsigiis balse ugu dambayn waxay ogolaatay inay la kulanto.
Markii la gaaray subaxay la kulmi lahayd, ayay inta is qurxisay, oo madaxeeda ubaxyo saaratay, cadar ku catar isku shubtay, ayey seexatay.
Halkan waxa fadhiya Adham Khan oo indhaha ku haya dhanka ay kasoo bixi lahayd. Weli wakhti baa ka hadhay balse isaga oo aan daahin ayuu soo gaadhay goobtii kulanka.
“Wuxuu galay gurigeeda oo damcay inuu toosiyo,balse ma ay kicin, sababtoo ah waxay cabtay sun.”
Rupmati ayaa lagu gubay Sarangpur. Dhacdooyinkan oo dhan markii uu maqlay Akbar, waxa uu u cadhooday Adham Khan. Balse Adham Khana hooyadiis, Maham Anga ayaa naas nuujisay markii uu yaraa saas darted wuu is dajiyay.
Bishii Nofeembar 1561, Akbar wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay jeneraalkiisii ugu dhowaa Atga Khan. Wuxuu ahaa Jiji Anga ninkeedii. Balse Adham Khan ayaa dilay Ataga Khan sidaa darteed Akbar ayaa amray in la dilo Adham Khan.
Waa dambe , Baz Bahadur ayaa aqbalay hoggaanka Boqortooyadii Mughal. Geeridii Baz Bahadur ka dib, waxa lagu ag aasay gacalisadiisii.
Ish wararka BBC SOMALI