Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa saxiixay amar fulineed lagu soo dhisayo Gole fududeynaya xilliga kala guurka iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Cusub ee kusoo bixi doonna Doorashada Dalkaas ee la qabanayo 25ka Febaraayo 2023.
Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Nigeria Muhammadu Buhari uma tartami doonno markale xilka uu hayo maadaama uu dastuurka Dalkaas ka reebayo in uu mar saddexaad xilka Madaxweynaha dalkaas uu qabto.
Waxa uu dhammeystay muddo xileedka labada jeer ah ee uu maamulay dalkaas, waxaa ka reeban in uu mar saddexaad isasoo sharaxo, waxa ay taasi fursad u noqotay musharrixiinta kale ee xildoonka ah.
80 jirka xilka kasii degaya ee Buhari waxa uu heystaa fursad uu kusoo dhisi karo musharraxa uu daneynayo si uu saameyn aan muuqan ugu sii yeesho siyaasadda Nigeria maadaama uu ka cabsi qabo in dabagal lagu sameeyo.
Wixii ka dambeeyay markii lasoo afjaray nidaamkii Militariga ahaa ee loo guuray in dadku ay doortaan xisbiga ay rabaan 1999 waxa uu Muhammadu Buhari labo jeer ku guuleystay xilka Madaxweynaha Nigeria.