Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Kenya oo soo bandhigtay Magacyada & Sawirada rag katirsan Al-Shabaab oo weeraro geystay
    Dibadda

    Kenya oo soo bandhigtay Magacyada & Sawirada rag katirsan Al-Shabaab oo weeraro geystay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 10, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hoggaanka danbi baarista DCI ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay shacabka inay si iskaa wax u qabso ah u soo gudbiyaan xogta shan eedaysane, oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin shabakadaha argagixisada gaar ahaan Ururka Al-Shabaab.

    Afar ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa ciidamada ammaanka ee ka dhacay ismaamulka Lamu iyo deegaanka Boni, halka tuhmanaha shanaad uu ku lug lahaa weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay Jaamacadda Garissa sanadkii 2014-kii, kaas oo sababay dhimashada 147 qof oo u badan arday.

    Haddii aad hayso wax macluumaad ah oo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin tuhmanayaasha aan kor ku soo xusnay ee hawlahooda ay khatar weyn ku yihiin ammaanka Kenyaanka aan waxba galabsan, ha ka labalabayn inaad nala soo xiriirtaan ayaa lagu yiri ,” Warka kasoo baxay Hay’adda dambi barista Kenya DCI.

    Xubnaha ay dowlada Kenya baadi goobeyso oo gaaraya ilaa 5 ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin:

    Ramadan Hamisi Kufungwa

    Kufungwa ayaa ka amar qaata dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana uu isku dubbaridaa weerarada ka imaanaya Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsanayo dadka Kenyaanka ah.

    Waa isku xirka Kassim Musa Mwarusi, oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa fulinta weerarradii Boni iyo dhaqdhaqaaqa dadka la qorayo si ay ugu biiraan Al Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixsada ee Kenya.

    Ciise Cabdalla Axmed

    Axmed oo ka soo jeeday magaalada Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa ku biiray Al Shabaab, waxaana uu u safray Soomaaliya sanadkii 2014-kii.

    Dhowr jeer oo hore ayuu ka qeyb qaatay weeraro dalka ka dhacay, waxaana uu ka gaaray darajooyin uu ka mid noqday guutada is qarxinta.

    Waxa uu hadda ku hawlan yahay qorsheynta weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada dalka gudihiisa.

    Axmed Cumar Siciid oo ku magac dheer Dogo Tabibuu,

     

    Saciid ayaa sidoo kale ka soo jeeda deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi, waxaana uu sanadkii 2016-kii ku biiray ururka Al-Shabaab, waxaana uu ka tirsanaa guutada Jaysh Ayman ee garabka sirdoonka Al-Shabaab.

    Waxaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay weeraro dhowr ah oo ka dhacay Keymaha Boni.

    Macallin Yuusuf Xasan Cabdullaahi oo ku magac dheer Isaaq Xasan Cabdullaahi

    Cabdullaahi ayaa loo raadinayaa dil saddex macalin loogu geystay deegaanka Qarsa ee ismaamulka Wajeer sanadkii 2018-kii iyo dilkii kaaliyihii madaxa deegaanka Gumurey December 2020.

    Macalin Cabaas oo ku magac dheer Cabaas Guyo.

    Waxaa lala xiriirinayaa qorsheynta weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee bishii Abriil 2014 halkaas oo hal 147 qof ay ku naf waayeen weerarro kale oo ka dhacay dalka Kenya.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWasiir Amniga DG Jubbaland Yuusuf Dhuumaal: “Howlgalka Afmadow ka socda waxa aan dooneynaa in aan ku sifeyno AS”
    Next Article Duqa Barcelona oo waraaq yaab leh u diray ra’iisal wasaaraha Israa’iil

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Wareysi:-  Xasaasi ah! Ugaaska Degmada Buulo-burte Ahmed Cabdulle ayaa yiri Buundo mahayno iyo Garoonka Diyaaradaha ee Buulo-burte

    February 5, 2023

    Ugaaska Degmada Buulo-burte Ahmed Cabdulle Indhooy loo loyaqaan Ugaas Guulwade ayaa ka hadalay arimo badan…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Laftagareen iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah

    January 18, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.