Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Geelle oo lagu eedeeyay inuu gacan siinayo dhinacyada isku haya Laascaanood midkood
    Gudaha

    Geelle oo lagu eedeeyay inuu gacan siinayo dhinacyada isku haya Laascaanood midkood

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 10, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mucaariadka Jabuuti ayaa ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland, oo maalintii shanaad magaalada Laascaanood kula dagaalamaya kuwa dadka deegaankaas.

    Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socday madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

    Mucaaridka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday madaxweyne Geelle taageerada Jamhuuriyadda Jabuuti, taasi oo ku saabsan dagaalada maalmihii u dambeeyay dhex-maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda SSC.

    Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti.

    “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xad-gudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaasi oo dhigaya in aanay ogolanayn QM in lasoo fara-galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta iLlaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya.”

    Taageerada Geelle ee xiligaan uu siinayo Somaliland ayaa ah mid milatari oo toos ah loo siiyo ciidamada Somaliland ee dagaalka kaga jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida uu sheegay mucaaridka Jabuuti

    Bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti ayaa waxaa loogu baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya, ayaga oo dhinacyada isku haya Laascaanood ugu baaqay inay aqbalaan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Si kastaba, dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo QM ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXog: Somaliland oo bedeshay qorshaheeda DAGAALKA magaalada Laascaanood
    Next Article Xildhibaan Mohamed Abdulkadir oo dhulka lajaray

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Kursigii Xildhibaannimo uu baneeyay Ra’isul Wasaare Xamse oo lagu guuleestay (Sawirro)

    February 15, 2023

    Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacday doorashada kursigii xildhibaannimo…

    NUXURKA KHUDBADDA: Muuse Biixi oo si is-khilaafsan uga hadlay dagaalka Laascaano

    February 16, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.