Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo booqasho ku yimid magaalada Kismaayo.
Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa diiradda waxaa lagu saaray dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee Dowlada Jubaland ay ka wado qeybo badan oo kamid ah Jubbaland iyo sidii howlgaladaas ay uga qeyb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS ee ku sugan Jubbaland.
Wafdiga Waxaa kamid ahaa qaar kamid ah wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya iyoqaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada Dowladda Goboleedka Jubbaland.
Kulankaan ayaa daba socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda qaar ka mid ah Gobollada Dalka, iyada oo Gobollada qaar ay Ciidanka Dolwadda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay la wareegeen deegaanno dhawr ah.