Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Dibadda»Mareykanka: Shiinuhu waxa uu ku xadgudbay madax-bannaanideenna
    Dibadda

    Mareykanka: Shiinuhu waxa uu ku xadgudbay madax-bannaanideenna

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 9, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa baaritaankooda kusoo gabagabeeyey in buufintii looga shakisanaa howlaha basaasnimada Shiinaha oo dhawaan soo dulmartay Maraykanka ay qayb ka aheyd barnaamij ballaaran oo basaasnimo ay oo wadaan ciidamada Shiinaha.

    Xiriirka ka dhexeeya buufintan iyo ciiidamada Shiinaha ayaa markii ugu horaysay Talaadadii waxaa qoray wargeyska Washington Post, kadibna waxaa xaqiijiyay shabakada wararka ee CNN ee fadhigeedu yahay Maraykanka. Buufintan ayaa qayb ka ah diyaarado aan cidina wadin oo kasoo duula gobolka Hainan ee xeebta koonfureed ee Shiinaha.

    Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil badan oo Maraykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in barnaamijka Shiinuhu uu basaasnimo kusoo sameeyay dalalka iyo gobollo ay danaynayaan istaraatiijiyad ahaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Japan, India, Vietnam, Taiwan iyo Philippines.

    Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Wendy Sherman ayaa barnaamijkan uga warbixisay ilaa 150 diblomaasiyiin shisheeye ah oo ku kala sugan 40 safaaradood.

    Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa Sabtidii soo ridday buufintan, xilli ay dul heehaabeysay badweynta Atlaantigga ee xeebta South Carolina.

    Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in buufintaas ay ahayd mid sahan ah, waxaana ay duullimaadkaas ku tilmaameen “xad-gudub ka dhan aha madax-bannaanida Mareykanka oo aan la aqbali karin” oo uu Shiinuhu ku sameeyay.

    Beijing ayaa ku adkaysatay in buufintan ay aheyd duulimaad cilmi-baaris rayid ah oo si khalad ah ugu ambatay hawada Maraykanka.

    TV-ga CNN ayaa ku warameya in buufinta lasoo riday ay baarayaan koox sare oo farsamo-yaqaanno iyo injineerro ah oo jooga xarunta tababarka FBI-da ee Quantico ee gobolka Virginia.

    Soogelidda hawada Mareykanka ee buufinta ayaa keentay in xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken uu baajiyo booqasho la wada sugayey oo uu ku tagi lahaa magaalada Beijing, taas oo ujeedadiisu ahayd in lagu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya labada waddan ee ugu weyn dhaqaalaha adduunkaa, kaas oo xumaaday sannadihii ugu dambeeyay.

    Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay Talaadadii in Shiinuhu diiday codsi uga yimid Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin oo ahaa inuu la hadlo dhiggiisa Shiinaha, Wei Fenghe, tan iyo markii buufintan lasoo riday.

    Isha: VOA

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleGolaha Wasiirrada XFS oo Abuukate Axmed Ciise Guutaale u magacaabay Hantidhowrka Guud ee Qaranka
    Next Article Dhaawacyo laga soo qaaday Laascaanood oo Muqdisho la keenay maanta (Daawo)

    Related Posts

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    DEG DEG:- Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku billaawday ku qaaday degmada Galcad

    January 20, 2023

    DEG DEG:- Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku billaawday ku qaaday degmada Galcad …

    Somaliland oo sheegtay iney qabatay Maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab & Puntland

    February 9, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.