Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Dhaawacyo laga soo qaaday Laascaanood oo Muqdisho la keenay maanta (Daawo)
    Gudaha

    Dhaawacyo laga soo qaaday Laascaanood oo Muqdisho la keenay maanta (Daawo)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 9, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kasoo degtay diyaarad sidday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

    Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada ka taagan gudaha magaaladaas ayaa billowday gurmad u fidinta dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka socdo halkaasi, waxayna dirtay diyaarado soo daabulo dadka qaba dhaawacyada halista ah.

    Illaa sodomeeyo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalllada Laascaanood ayaa la keenay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay xildhibaan & mas’uuliyiin kale.

    Dhaawacyada oo loo diyaariyay gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta ayaa loo qaaday qaar kamid ah isbitaallada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

    Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la keenayo dhaawacyo kale oo laga soo daabulayo magaalada Laascaanood oo ay weli ka taagan tahay xaalad murugsan.

    Dowladda federaalka ayaa maalin kahor shaacisay mowqifkeeda, waxayna sheegtay isoo dhaweyneyso rabitaanka reer Laascaanood, ayna sidoo kale garab istaagi doonto.

    Dagaalka haatan ka socdo gudaha magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu saaka dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

    Si kastaba waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMareykanka: Shiinuhu waxa uu ku xadgudbay madax-bannaanideenna
    Next Article BIGNEWS: Gaari hub usiday ciidanka Soomaaliland oo ay qabatay Puntland

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Maalinta koowaad oo Hawada Somalia ay ku shaqeynayso darajadda A (Class A)

    January 26, 2023

    Muqdisho,January, 26, 2023 – Hawada Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday heerka darajada A (Class A) oo…

    DEG-DEG Ciidamo kasoo jeeda beesha Looboge ee Shiikhaal ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta degmada Kaxda.

    January 7, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.