Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada XFS? (SAWIRRO)
    Gudaha

    Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada XFS? (SAWIRRO)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 9, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad.

    Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.

    Mudane Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

    Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

    Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.

    Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

    Dhanka kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga  ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo al-shabaab, iyadoo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.

    Xafiiska Shabakada

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleWAR CUSUB: Safiirada Beesha caalamka oo la xiriiray Isimadda SSC & M.Biixi & hanjabaada SL
    Next Article kooxaha Yurub oo bilaabay inay sii kala calaamadsadaan xiddigaha iyo masuuliyiinta kale ee kooxda Manchester City

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Daawo: “Waxay ka tagtay 9 caruur ah” – Sheekada hooyo u dhimatay cabsi galinta Al-Shabaab

    January 14, 2023

    Weerar fuleynimo ah oo u muuqday cabsi galin ayey Al-Shabaab ku qaaday shacabkii reer Muqdisho…

    Waa sidee xaaladda Waqooyiga Itoobiya oo labo sano & Bar ka jirtay colaadda u dhaxeysay Ciidanka Federaalka & TPLF?

    February 4, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.