Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yusuf Axmed dhawaan ka dhicin Doono Tareenkka DG Hir-Shabeelle

    March 24, 2023

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»NISA oo sharci noqotay – Afar arrin oo uu ka dhigan yahay sharciga la meel-mariyey
    Gudaha

    NISA oo sharci noqotay – Afar arrin oo uu ka dhigan yahay sharciga la meel-mariyey

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 8, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Isniintii ansixiyay Sharciga Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

    Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

    Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcigan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan, halka uu diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka golaha shacabka.

    53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaasi oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

    Haddaba, waxaa warbixinteena ku eegayna afar arrimood oo muhiim ah oo la xiriira sharci noqoshada NISA, dhinaca kalana faa’iido u ah muwaadinka Soomaaliyeed.

    1. Indho sharci iyo isla-xisaabtan: Hay’ad awoodaas leh oo sharci aan laheyn waxay halis ku tahay cid walba, siyaasi, shacab iyo xitaa nidaamka dowladnimada.

    Qof walba wuxuu u bahaan yahay inuu ogaan karo waxa uu xaqa u leeyahay iyo waxa xaqa loogu leeyahay.

    Maanta ka hor qofna indho sharci ah kuma eegi karin NISA, laakiin maanta waa naqdin kartaa waana u gar-dhigan karta.

    2. Xuquuqda: Haddii aan sharci jirin xuquuqna ma jiri karto.

    Xubnaha hay’addu maanta waa xaqlayaal laakiin shalay ma jirin.

    3. Xabsiyadii gaarka ahaa: Laga yaabe naftaada ama qof ehelkaaga ah in NISA ku xiratay meel aadan ogeyn. Hadda sharcigan taasi waa xaarantimeeyay, waana faa’iido uu qof walba rabo inuu helo.

    4. Berri iyo NISA: Xukunku waa mid wareegaya, maalinba cid ayaa xukumeysa NISA laakiin sharcigan wuxuu caawinaya wax walba oo la xiriira mustaqbalka xogtaada iyo amnigaaga.

    Sidoo kale qof walba oo berri NISA xukumi doona wuxuu haysta nuqulkii isaga hagi lahaa, dalkana uu ku hagi lahaa.

    Sharcigu maanta iyo berri-ba wuxuu ilaalinaya dalka, dadka iyo dowladnimada.

    Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa ku dhiiraday in NISA ay sharci yeelato, waxaana ansixinta Golaha Shacabka kadib sharcigan loo gudbin doona Aqalka Sare oo maamul goboleedyada metela, si ay u fiiriyaan.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleQatar oo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada Xamar iyo Xasan Shekeh oo dhowaan…
    Next Article Gudoomiye Cabdi Xiish ayaa magaalada Beydhabo uga qeyb galay shirka Madasha Dhalinyaradda K

    Related Posts

    Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yusuf Axmed dhawaan ka dhicin Doono Tareenkka DG Hir-Shabeelle

    March 24, 2023

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    MW Xasan Sheekh Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Safiir Muddo Xileedkiisa Idlaaday

    January 3, 2023

    Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka…

    MW Xasan Sheekh Maxamuud “Mushkiiladda ka taagan Sool & Sanaag xalkeeda waa xal Siyaasadeed”

    February 7, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yusuf Axmed dhawaan ka dhicin Doono Tareenkka DG Hir-Shabeelle

    March 24, 2023

    Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

    March 24, 2023

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.