Wararka ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada SSC ay ku gacan sareeyaan dagaalka maalintii seddexaad,galay taas oo khasaaraha dhimasho,midka dhaawac iyo bur burka hantiyeed uu kordhay.
Duqa Magaalada Laascaanood ugu magacaabnaa Soomaaliland C/kiriin Cali Cusmaan ayaa saxaafada usheegay in duqeymo aan kala joogsi laheyn shacabka loogeysanayo.
Waxa uu sheegay inaysan raali ka aheyn waxa ay Soomaaliland ka wado gudaha Laascaanood,isagoo sheegay in beesha caalamka ay ugu baaqayaan inay arintaan soo fara geliso.
Duqa oo hadalkiisa umuuqday inuu ka baxay maamulkii uu katirsanaa shacabkiisana garab istaagay ayaa sheegay in rayid la xasuuqayo.
Ciidanka SSC ayaa maanta waxay la wareegeen saldhig muhiim u ahaa Soomaaliland oo lagu magacaabo deegaanka Gooja cade,iyadoo goob wasiiro iyo saldhig ciidan aheyd sidoo kale lala wareegay.
Madaafiic culus ayaa ku hoobaneysa weli Laascaanood,waxaana gurmad kala helaya dhinacyada dagaalamaya,taas oo laga cabsi qabo in dagaalka uu ku fido meelo kala duwan oo hadda nabdoon.
Shacabkii ugu badnaa ayaa barakacay,waxaana lasoo sheegayaa in jabhada SSC ay dadka ku qasbayaan in inta dagaalami karta ay hubka qaataan oo dadkooda ay difaacaan.