Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»XOG: Qadiyada SSC oo xalay hareysay shirkii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada Soomaaliya
    Gudaha

    XOG: Qadiyada SSC oo xalay hareysay shirkii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 7, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay shirgudoominayay shirkii aan caadiga aheyn ee golihiisa wasiiradda ayaa soo qaaday xaaladda magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ay arrintan wada hadal ka yeesheen Isaga, Madaxweyne Xasan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka & wasiirka arrimaha gudaha, ayna u arkayaan in ay tahay qadiyad u baahan xal in laga gaaro, siyaasadna ay lug ku leedahay.

     

    Xamse, ma cadeynin mawqifkiisa qadiyadan kuwajahan, isagoo hadalka ku wareejiyey Raysalwasaare kuxigeenka Xukuumadda oo kasoo jeeda Somaliland, Saalax ayaa madasha ka sheegay in qadiyadu ay tahay mid u dhaxaysa dad kuwada jira nidaam ay dhisteen, sida uu sheegay wuxuu tilmaamay in aysan jirin beelo is-haya, balse ay siyaasad lug iyo saameyn ku leedahay, wuxuu sheegay in ay xooga saarayaan in la xaliyo.

     

    Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif oo kasoo jeeda SSC, oo isna hadalka qaatay, inkasta oo bilowgii Xamse u diiday ayaa sheegay in dadka dhibaato loo geystay, ayna tahay in go’aan iyo mawqifka Xukuumadda madasha laga cadeeyo, isagoo la kulmay afcelin xoogan oo madasha ay uga soo jeediyeen wasiiradii fadhiyey ee kasoo jeeday Somaliland.

     

    Wasiir kuxigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka Sahro Yuusuf Cige, oo kasoo jeeda Somaliland, ayaa madasha buuq iyo qeylo ka kicisay, iyadoo durtay hadaladii wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ay sheegtay in uusan hadli karin, taas oo sababtay in shirka laga saaro.

     

    Ra’iisulwasaare Xamse ayaa ugu dambeyn sheegay in ay qadiyadan u xilsaarayaan Wasiirka arrimaha gudaha Faderaalka Axmed Macalin Fiqi oo uu war kasoo saari doonto, isagoo ku adkeystay in ay tahay arrin siyaasadeed oo ku adag isaga

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleDhulka ayaa ladhigay Gobolka Hiiraan.
    Next Article Xildhibaano War kasoo saaray dagaalka Magaalada Laas-Caanood

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Dagaalkii Laascaanood oo xoogeystay & Isimada SSC oo war soo saaray (Sawirro)

    February 11, 2023

    Dagaal qaraar oo ka kulul kuwii shantii maalmood ee la soo dhaafay ayaa tan iyo…

    Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay Mucaaradka Laftagareen (Muxuu kala hadlay)

    February 3, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.