Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda colaadeed ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka ka socda magaaladaasi isaga oo tacsi u diray ehelada ay dadkoodii ku wax yeeloobeen.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda in la tixgaliyo rabitaanka shacabka deegaanka xalkana loo maro hannaan wada-hadal iyo dib u heshiisiineed, isaga oo ugu baaqay in wadahadal iyo isutanaasul lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Puntland.
“Mushkiiladda ka taagan Sool & Sanaag xalkeeda waa xal Siyaasadeed in si siyaadeed loo xaliyo, sidaas daraadeed waxa meeshaas ka dhacay waan ka xunnahay raali kama nihin, in maanta dadka rabitaankiisa Qori lagu xaliyo suura gal maahan” sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in miiska wada hadalka la’isugu yimaado, diyaarna uu yahay in ka qeyb qaato Xalka Magaalada Laascaanood meel waliba oo lagu qabanaya “Walaalayaal Xalku marnaba kuma imaanayo qori, in Boqolaal iyo kumanaan qof dilno ka dib korkooda aan isku gacan salaanno oo aan dhahno nabadaa ka dhali waa laga roonyahay”
dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray Odayaasha dhaqanka ee Dowlad Gobaleedka Puntland, isaga oo sheegay in lama huraan tahay Nabadda, waxa uu kale xusay kaalinta Odayaasha ay ku leeyihiin Nabadda, isaga oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba taageereenin dagaal.
Baaqa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daba socda Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo daarnaa Xaaladda magaalada Laascooneed ee Gobolka Sool.