Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»Akhriso:- Farriin dan u ah Mudane Guudlaawe, Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo ka timid Baydhaba (wax badan ka ogoow)
    Gudaha

    Akhriso:- Farriin dan u ah Mudane Guudlaawe, Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo ka timid Baydhaba (wax badan ka ogoow)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 7, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni dhamaan madaxda afarta maamul goboleed ee kale waxay ku darsadeen min hal sano waqtigii loo doortay xafiiska.

    Lafta-gareen wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku darsada hal sano. Dhamaan madaxda maamulada ee min halka sano ku darsaday waxay dhex-mareen baarlamaanadooda heer maamul goboleed, waxay sheegeen inay bedeleen mudada xil haynta oo afar sano ahayd, haddana ka dhigeen shan sano.

    Qoddobka 121 ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu leeyahay mabda’iyan waa in la is-waafajiya dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dastuurka maamul goboleedyada.

    Hadda isma waafaqsana oo afar sano ayaa u qoran madaxweynaha federaalka inuu xafiiska joogi karo, maamuladana shan sano ayay ka dhigteen. Halkaas waa dastuur jabin.

    Puntland iyada markii hore ayaa si gaar ah loo qeexay xaalkeeda. Marka laga tago jabinta qoddobkaas waxaa dhinaca kale taalla dood sheegaysa xitaa haddii shan sano laga dhigayo mudada xil haynta maamulada, waa in lagu aadiya xili doorasho oo qofkii soo baxa uu la jaanqaadi karo, sidoo kalana la abuura fursad la isku waafajin karo labada dastuur ee labada heer dowladeed.

    Aan usoo laabano mawduuca, magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay habeen dhaweyd waxaa lagu jideeyay hal sano oo muddo kororsi ah oo uu qaatay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-green.

    Arrintan waxaa si gaar ah isha ugu hayay Axmed Madoobe, Qoor-Qoor iyo  Madaxweyne Cali Guudlaawe. Saddexdaan nin waxay aaminsanayeen in haddii Xasan Sheekh uu halka sano u diido Lafta-gareen in iyagana aanay macquul ahayn inay qaataan.

    Tijaabo ayuu u ahaa Lafta-gareen, hadda muddo kororsigoodu tijaabadii waa ka baxay mar haddii Lafta-gareen sanadkii loo ogolaaday, iyagana waxay u badan tahay in uusan Xasan Sheekh kula dhagi doonin sanadkooda.

    Jidkii muddo kororsiga ayaa furmay, farriinta Baydhabo ka timid xitaa federaalka uma fiicna. Soomaaliya waxa qudha ee lagu kala badbaado waa in la raaco dastuurka qoran.

    Nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo waxa ugu badan ee lagu haystay waxay ahayd dastuur jabin, haddana isla dariiqaas inuu furmay ayaa muuqata in lagu sii socdana ma caawinayso baadi-goobka loogu jiro Soomaaliya sharci ku dhisan oo xeerarkeeda ay xukunka hagaan.

    Dadkii doonayay inay raadiyaan xukunka Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo tirsanayay maalmaha madaxdaas u hartay hadda quus ayay ku dhow yihiin oo waxaa u cadaatay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aanay ku howl jirin isbedelo degdeg ah iyo in aanay diidayn muddo kororsiga.

    Mucaaridka huursan ee dowladda federaalka ah ayaa ka hadlin wixii kasoo baxay magaalada Baydhabo habeen hore.

    Laakiin maalin kale oo aan munaasib ahayn ayaa laga yaaba inay hadlaan, markaas oo ay dhici karto in dhuumashadooda maanta ay dhaawac ku noqoto.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXildhibaan Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay Dilkaasi
    Next Article DEG-DEG:- Madaxweyne Cali Guudlaawe Ayaa Hadda Magacaabay (wax Badan ogoow)

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Mareykanka oo digniin culus ka bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan Kenya

    February 9, 2023

    Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa ka digtay suuragalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada…

    Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Ceel bacad

    February 12, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.