Maamulka Somaliland ayaa war uu soo saaray hadda sheegay in Laascaanood ay kula dagaalamayaan ciidamo katirsan Puntland iyo Khaatumo, waxaana saacado kahor ay sheegaysay Somaliland in ay Argagixiso la dagaalamayso.
Hargeisa ayaa bedeshay luuqada hadalka dagaalka Laascaanod, iyadoo sheegtay in Garoowe dagaalka laga abaabulayo, xili maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid Deni ay doorasho ku mashquulsan yihiin oo ayaan ka hadlin arrimaha Sool.
IGAD, Midowga Afrika, UNka iyo Beesha Caalamka ayay sheegtay in ay u cadeynayso in Puntland dagaalka ay soo qaaday, taas oo kasoo horjeeda warkii ay shalay sheegeen isla Somaliland, gaar ahaana wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo warkan markale saaka soo saaray.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
WAR-SAAFADEED:
Hargeysa-07-02-2023()- Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada.
Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.
Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.
Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.
Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac