Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhihoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafadeed wadajir ah ka soo saaray xaaladda murugsan ee haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay dhibaatooyinka ka socda magaaladaasi, waxayna ku baaqday in wax weliba lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.
Halkan hoose ka aqriso:-
Saaxiibada beesha caalamka* ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.
Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal.
Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.