Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Taliye ku xigeennadiisa ayaa maanta kulan looga hadlay xoojinta amniga la qaatay Taliyeyaasha hoggaamada & fadhiyada madaxa-bannaan ee Ciidanka.
Sarreeye Guuto Sulub Firin ayaa isbarasho iyo kala waraadasho kaddib warbixin guud oo amniga la xiriirta ka dhageystay Taliyeyaasha Hoggaamada & Fadhiyada Madaxa-bannaan si ay ula wadaagaan qorshaha lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saraakiisha uu la kulmay faray in ay kordhiyaan adkeynta amniga Caasimadda & in ay xoojiyaan iska warqabka dhexdooda.
S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa 4tii Febaraayo 2023 xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Sarreeya Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo lagu baddelay oo 26kii Janaayo 2023 lagu baddelay kaddib markii Golaha Wasiirada XFS uu ansixiyay Taliyaha cusub.
Sulub Axmed Firin ayaa ballanqaaday in uu dardargelinayo howlaha lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, isku xirka Ciidamada Booliiska heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed, wax ka qabashada duruufaha jira & horumarinta ciidamada iyo saraakiishooda.