Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa arrin layaab leh ku sababeeyay fashilkii kooxdiisa Tottenham kasoo gaadhay xalay.
Sababta yaabka leh ee Guardiola ku eedeeyay guuldarradii Tottenham ayaa ah daal isaga oo sheegay in safarka magaalada Manchester ilaa London yahay mid u dhigma safar loo galay waqooyiga Yurub.
“Ka imaanshaha Manchester ilaa London, waa sida tagitaanka waqooyiga Yurub. Waa afar saacadood iyo 20 daqiiqo oo aad hudheelka ku tagayso, waa mid aad u daal badan, waan ka xumahay. Waxaanu u baahanahay inaanu Manchester ku laabano oo u diyaar garawno kulanka Aston Villa.
City ayaa xilli ciyaareedka toddoba jeer u safarta magaalada London iyado sidoo kale u tagta kooxaha Chelsea, Arsenal, Fulham, West Ham, Brentford iyo Crystal Palace balse waa wax caadi ah oo kooxaha oo dhami ka siman yihiin.
Waxa masaafo ahaan kaga fog kulamada ay booqanayso kooxaha Bournemouth, Southampton iyo Brighton