Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Friday, March 24
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Home»Wararka»Gudaha»MW Xasan Sheekh Maxamuud maka gudbay tijaabadii 1aad ee dib u heshiisiineed?
    Gudaha

    MW Xasan Sheekh Maxamuud maka gudbay tijaabadii 1aad ee dib u heshiisiineed?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 6, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhawaan waxaa magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed lagu soo gabagabeeyay shirka dib u hesiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, oo 17-kii Novmber 2022-ka uu ku baaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarkamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

    Laba Bil ka dib shaacinta Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa 17-kii January 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud Baydhabo ka daahfuray shirka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan siyaasyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo Haldoorka KG.

    Daahfurka shirka ayaa khudbado kooban waxaa ka kala jeediyay Madaxweynaha JFS, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, iyaga oo dhammaantood xusay ahmiyadda uu leeyahay shirka la’isugu keenay dhinacyada isku haya siyaasadda oo udub dhaxaad u ahaa muranka ka dhashay muddo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay Laftagareen.

    Daahfurka Shirka dib u heshiisiinta KG, Photo by Villa South West, 17 January 2023-ka

    Inta uusan bilaaban shirka ayaa aroornimadii 23-kii December 2022-ka waxaa Magaalada Baydhabo ka qarxay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa ka amar qaata Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

    Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda DFS Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku yeeshay in qaar ka mid ah Ciidanka Dowladda ay weerar ku soo qaadeen gurigiis oo ku yaal Magaalada Baydhabo.

    “Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta KG. Wilina dagaalka wuu socdaa.” Sida uu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Wasiir Farkeeti.

    Dagaalka oo geestay Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa isla maalintaa bayaan ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay “In ay ka xuntahay shaqaaqooyinkii gacan ka hadalka ee ka dhacay magaalada  Baydhabo”,  Waxa ay ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamay Baydhabo in ay joojiyaan dagaalka, wixii tabasho ah la keeno miiska wada hadalka.

    Saacado ka dib Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Saaladdii Jimcaha ka dib khudbad ka jeediyay Masjiddu shuhadaa oo ku dhaxyaala Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia ayaa sheegay in DFS ay u taagan tahay sidii ay isku fahamsiin lahayd dhinacyada siyaasadda ku kala aragtida duwan ee Koofur Galbeed si wadahadal ay ugu dhammeeyaan waxyaabaha ka dhaxeeya.

    Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinaya Masjiddu shuhadaa oo yaala Villa Somalia.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan la aqbali Karin dagaallo sokeeye & kuwa dhibaato ku ah Bulshada Deegaannada DG Koofur Galbeed sidaas awgeed Dowladda ay u taagan tahay ilaalinta mas’uuliyadda ka saaran nabadgalyada & dib u heshiisiinta.

    “Qoriga dhulka dhiga oo gogosha isugu imaada oo is warsada oo waxa idinka qaldan iska toosiya oo ninka idin anfacaayo heysta haddii uu joogo haddii uu maqan yahay keensada oo fursad hala siiyo Dadka waana aaminsanahay in aan dhib kale jirin, siyaasad lee la isku hayaa, Siyaasadda hala dhowro, madaxda jirta hala dhowro, kuwa hamiga leh hala dhowro” sida uu yiri Madaxweynaha JFS

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka xunyahay in qori la’isku qaatay, sidoo kale waxa uu balan qaaday in uu wax ka qaban doono “32 sano ka bacdi in aan qori isu qaadanno aad ayay u xun tahay, wixii talo & waano aan ka geysan karno waan ka geysaney welina waan ka geysaneynaa”

    16-kii January 2023-ka wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha JFS ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba, Socdaalka Madaxweyanah ayaa daarnaa ka qeyb galka iyo daahfurka shirka, isaga oo maalin ka dib shirka furay.

    Akhrinta Warmurtiyeedka Shirka. Photo by Golaha Shacabka, 5-ta February 2023-ka

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay Bulshada ayaa bogaadiyay natiijada kasoo baxday shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed ee socday muddo ka badan bil oo ugu dambeyn dhinac loo jiheeyay xal u helista muranka siyaasadeed ee jiray, isaga oo u mahadceliyay Duubabka dhaqanka, Siyaasiyiinta, Mas’uuliyiinta Talada Koofur Galbeed heysa, Musharrixiinta iyo dhinacyada kale ee ka qaybgalay ka mira-dhalinta shirkaan.

    Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgii doorashiisa sheegay in uu ka shqeyn doona sidii u hirgalin lahaa dib u heshiisiin, mar uu khudbad u jeediyay Shacabka Bilowga sanadkaan ayuu carabka ku dhuftay dib u heshiisiinta Bulshada laga badbaadayo haddii midda saxan lala yimaado, waxa uu kale sheegay haddii qaab dhismeedka dib u heshiiska uu dhaqan galo in uu dhacayo hal heyskii ahaa “Soomaali Heshiis ah dunidana heshiis la ah”.

    Haddaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maka gudbay tijaabadii 1aad ee dib u heshiisiineed?

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleXildhibaan Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa yiri Guddoonka,Guddiga Amniga waa mahadsanb yahiin
    Next Article GEN Cabdi Warsame Usmaan ayaa ah Generaalada fara ku tiriska ee kadanbeeyo Ciidamada bada kana soo jeedda Gobolka Hiiraan

    Related Posts

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023
    Lates News

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Wararkii ugu dambeeyay Haramcad shan qof ku dhaawacay dalka Hindiya

    February 12, 2023

    Haramcad ayaa u dhacay maxkamad magaalo u dhow caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaana uu…

    Al-Shabaab oo baahisay ajnabi weerar ismiidaamin ah ka fuliyey gudaha Somalia

    March 12, 2023
    Most Popular

    PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

    March 23, 202310 Views

    Axmed Canshuur Xasan JACFAR oo usoo gacan galay DF, shaaciyay arrimo xasaasi ah

    March 23, 20238 Views

    Jeneraal Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

    March 23, 20237 Views
    Our Picks

    Gudiga Siyasada iyo dib u habeynta Hirshabeele oo manta shir isugu yimid Muqdisho

    March 24, 2023

    Ma taqaan labada nin ee Soomaaliga ah ee uu Xayle Salaase jeclaa inuu mar uun ka aarsado balse uu ku guuldarraystay?

    March 24, 2023

    Taliye kuxigeenka qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali dhuux mahad alle halis ugu jiro in uu waayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah taliye kuxigeenka.

    March 24, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.