Wararka ka imaanaya gobalka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka soconayo magaalqda Laascaanood, kaas u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Somaliland ay damceen inay gudaha u soo galaan magaalada Laascaanood, balse ay dagaal kala hortageen ciidamada deegaannada SSC.
Weerarka Somaliland ee Laascaanood ayaa kusoo aadaya xilli lagu waday in maanta lagu dhawaaqo go’aano kasoo baxay shirka Aayo-katalinta goballada SSC ee ka soconayay maalmihii u dambeeyay ka soconayay Laascaanood.
Somaliland ayaa ciidamo fara-badan kusoo daabushay gobalka Sool, gaar ahaan Laascaanood, Gambadho iyo deegaano kale oo ku dhow.